Allbanaadir.com
NEWS

Jahwareer ka taagan Go’aanka DF ee ciidamada Itoobiya

Tan iyo shalay waxaa hadalo is diidan oo ku jahawareersan ka soo baxayeen madaxda dowladda sida wasaarada arrimaha dibada iyo xafiiska amniga qaranka.

Hadaladaan ayaa abuuray shaki iyo dadku fahmi waayaan sida wax u socdaan.

Arrimahaan ayaa la xiriira qadiyada ciidanka Itoobiya iney ka mid noqonayaan howlgalka cusub ee AUSSOM

Waxaan soo qaadanaynaa hadaladaas oo qaarkood isburinaya

1:-Ku xigeenka Wakiilka Soomaaliya u fadhiya UN-ka.

“Howlgalka cusub ee AUSSOM waxaa ka qeyb qaadan doona 11,00 oo askari, iyada oo loo marayo heshiisyo laba geesood ah oo la gaaray bishii November, tallaabadaas oo ka reebaysa Itoobiya howlgalka cusub.”

2:- Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda.

“Waxaan bogaadinayaa wakiillada Soomaaliya u jooga xarunta UN-ka, sida hagar la’aanta ah ee ay ugu adeegayaan danaha Qaranka”

3:-Cali Balcad Wasiiru dowlaha arrimaha dibeda

“Shuruudihii aan joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka ku diidnay waa la xaliyay, latashiyo ayaa socda, waxna waa iska beddeli karaan go’aankii hore, waxaanse xaqiijinayaa in 11,900 loo qeybshay 4 dal oo kala ah: Jabuuti, Burundi, Uganda & Kenya”

4:- Lataliyaha Amniga Qaranka

“Mandate-ka AUSSOM ayaa u ogolaanaya DFS inay go’aamiso ka qeybgalka dalalka ku biiraya howlgalka AUSSOM, go’aan ayaana dhowaan lagu dhawaaqi doonaa. Baaqii Ankara waa mid xooggan welina go’aan lagama gaarin dalalka ka qeyb qaadanaya howlgalka cusub” ayuu yiri la taliyaha.

Related posts

Sahan laga qaaday Yuhuuda diidan & kuwa doonaya in laga aarguto weerarkii Iran

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo si kulul uga hadlay weerarkii Kismaayo iyo khasaaraha oo kordhay

Caydiid Ali

Rooble iyo wafdigiisa oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Qaahira (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---