Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Ciro oo ka hadlay xasuuqii ka dhacay Dacawaley

Waxaa si rasmi ah u furmay Kulanka Aqoon-iswaydaarsiga Golaha Wasiirrada JSL ee Xukuumada WADAJIR iyo WAX-QABAD ee uu Gar-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Kulanka waxa khudbad qiima leh oo dhinacyo badan taabanaysa ku furay Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi oo uu wehelinayo Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi.

In Sha Allah, kulankani waxa uu socon doonaa muddo 2 maalmood ah, 7-da subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo.

Haddaba, waxan jecelahay in aan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland la wadaago hadafka iyo ujeedada guud ee laga leeyahay kulanka Aqoon-korodhsiga Golaha Wasiirrada, waxana ugu mudan 5-ta qodob ee socda:

  1. In ay Xubnaha Golaha Wasiirradu si wadajir ah isula fahmaan waayaha iyo duruufaha ka jira guud ahaannba dalkeena ee u baahan in si wadajir ah loo wajaho,
  2. In ay Xubnaha Golaha Wasiirradu horumariyaan Xirfadaha iyo Xeeladaha aasaaska u ah hirgelinta Qorsheyaasha Xukuumadda cusub ee WADAJIR IYO WAX-QABAD,
  3. In ay Xubnaha Golaha Wasiirradu la yimaadaan hal-abuur heer Wasaaradeed iyo heer Qaranba ah oo salka ku haya, kana tarjumaya duruufaha, baahiyaha iyo Hiigsiga uu leeyahay Qaranka JSL,
  4. In ay Xubnaha Golaha Wasiirradu awood u yeeshaan dejinta Qorshe Isteraatejiyadeed (Strategic Planning) iyo mid Siyaasadeed (Policy Development) oo salka ku haya hawlaha uu Qaranku u igmaday Wasaarad ahaan, kaasoo ku sar go’an Qorshaha Horumarinta Qaranka (National Development Plan-NDPIII) iyo hiigsiga uu leeyahay Qaranka JSL 2030-ka,
  5. In ay Xubnaha Golaha Wasiirradu awood u yeeshaan Qancinta bulshada iyo kasbashada Kalsoonida Shacabka Somaliland, iyagoo si dhab ah uga tarjumaya hadafka, hiigsiga iyo isbedelka ay u ku ballan qaaday Xukuumadda WADAJIR IYO WAX-QABAD,

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa uu ka hadlay dhibaatadii ka dhacday deegaanka Dacawaley ee lagu laayey dadka shacabka ah

Waxaaa uu hoosta ka xariiqay inay dedaallada dhibtaas lagu deminayaa meel fiican marayaan, isaga oo tacsi u diray dadkii dhacdadaas ku geeriyooday oo gaaraya ku dhowaad 150 qof, kuwa ku dhaawacmayna u duceeyey, waxana uu yidhi,  “Meel fiican ayey marayaan dadaallada aynu dhibaatadaas xalkeeda ugu jirnaa, in sha Allaahna guul ayaa ay ku dhammaan doonaan. Waan ka xunnahay dhibaatadaas dhacday, waajibka ugu weyn ee yaallaana waa in khasaaraha halka ugu yar ee suurtagal ah aynnu ku joojinno, kana hortago in dhibtu soo noqoto. “

Related posts

Xukuumada Somalia & Golaha dhaqaalaha Qaranka oo kulankii ugu horeeyey yeeshay (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo dib u celiyey dayuurad rakaab ah oo ku socotay New York (Sababta)

Caydiid Ali

(Sawirro) Kalkaaliye kufsaday haweeney ku jirtay xaalad miyir beel ah oo la xukumay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---