Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan aan caadi aheyn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Jogtadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa dhaarinta xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo dhowaan la magacaabay iyo sidoo kale xubno ka tirsan Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaana ugu horeyn garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee dalka uu kulanka ku dhaariyay xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Dhinaca kale kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay colaad beeleedyada kasoo cusboonaaday deegaanno ka tirsan gobolada dalka, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xiligan dhiigga muwaadiniin Soomaaliyeed aano qabiil loo daadiyo isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray hay’adaha ay quseyso in dadka walaalaha ay dirirtu u dhaxeyso nabad dhex dhigaan wixii tabasho ah ee jirana miiska wada hadalka lagu dhameeyo.

Related posts

Duqa Muqdisho oo baaq u diray dadka degan Dhismayaasha Danta Guud (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo War soo saaray amaana u jeediyay ciidanka ….

Cabdi Cade

Tirada Macalimiinta Kenyanka ah ay dileen Al Shabaab oo la shaaciyay (Waa Imisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---