Allbanaadir.com
NEWS

Masuul lagu tuhmay askartii lagu laayay Ceelbaraf oo xabsiga la dhigay

Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Hirshabelle, ayaa xabsiga dhigay guddoomiyihii degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe Yuusuf Xasan Xuurshow , kaa oo lagu tuhmayo in uu ku lug lahaa falkii askarta badan lagu dilay ee ka dhacay degmada Ceelbaraf.

Guddoomiyaha degmada Ceelbaraf iyo xubno kale ayaa la sheegay in loo xiray falkan lagu dilay todobo askari oo katirsanaa ciidanka xoogag dalka kana soo jeeday beesha Xawaadle, kuwaa oo loo dilay kaliya aano qabiil iyo heybta ay kasoo jeedaan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabelle, ayaa shaqada ka joojiyay guddoomiyaha la xiray ee Ceelbaraf, waxa ayna Wasaaradda ku eedeysay guddoomiyaha in uu ka gaabiyay waajibaadkii loo xil saaray.

Wasiirka arrimaha gudaha gudaha HirShabelle Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa sheegay in guddoomiyaha laga shakiyay, isla markaana ay ku socoto baaris la xiriirta dhacdadaasi, lagu laayay askarta katirsaneyd ciidanka xoogga dalka.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle , ayaa wada howlgallo lagu soo qabanayo dadkii ka dambeeyay falkii askarta lagu laayay ee ka dhacay degmada Ceelbaraf, falkaas ayaana abuuray cabsi iyo colaad hor leh oo dhax marta beelaha Xawaadle iyo Abgaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo dekeda Boosaaso ka mamnuucay Shilinka Soomaaliga (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxkamada Schweinfurt oo la soo taagay haweeney Soomaali ah oo ilmaheeda dishay

Caydiid Ali

Maxkamada sare ee Itoobiya oo amartay in xabsiga la dhigo Haile-Mariam Desilgn

Caydiid Ali
Taboola Ads ---