Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan ka digay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu is qarxiyo !

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kan amid ah xubnaha xilligan sida weyn u taageersan siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland laga yaabo in uu is qarxiyo.

Dayax Axmed Cumar oo katirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxa kaliya ee xilligan u haray in ay tahay in uu is qarxiyo uuna galaafto naftiisa.

”Ahmed Madoobe waxa keliya ee u haray waa inuu qarax isku soo xiro, oo naftiisa iyo mid ummad kale galaafto.!” ayuu yiri xildhibaa Dayax Cumar oo katirsan siyaasiyiinta xlligan sida weyn u taageersan siyaasada Xasan Sheekh.

Siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta taageersan siyaasadda Villa Soomaaliya, ayaa marar badan weerar dhinaca afka ah ku qaaday Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland, kaa oo ka biyo diiday qorshaha Villa Soomaaliya ku dooneyso muddo kororsiga.

Villa Soomaaliya, ayaana ku fashilantay weeraro ay ku dooneyso in cadaadis ku saarto Madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana hadda Villa Soomaaliya iyo taageerayaasheeda bilaabeen weeraro dhinaca afka ah oo ka dhan Madxaweynaha Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

Qarax Xoogan oo Lagu dilay Cabdullaahi Carab iyo ciidamo la socday

Cabdi Cade

Dhaqtar ku xeel dheer Qaliinada lafaha iyo kabistooda oo imaanaya Isbitaalka Kalkaal

Cabdi Cade

Shirkii Dhuusamareeb oo saaka dib u bilowday iyo Axmed oo lagu soo celiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---