Xubnaha qoyska Madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalka Suuriya , ayaa galay kala carar kaddib markii dalkaasi la wareegeen xoogaga mucaaradka, waxa ayna qoyskii talada Suuriya hayay u kala dhoofeen dalal kale oo ay magangalyo weydiisteen.
Warar soo baxaya oo laga soo xigtay masuuliyiin katirsan dowladda Lubnaan , ayaa sheegaya in adeerka Madaxweynihii hore ee dalka Suuriya Rifaat Al-Assad iyo xubno kale oo qoyskiisa kamid ah ka dhoofeen dalka Lubnaan oo ay joogeen , iyaga oo ka dagay dalka Imaaraadka Carabta.
Masuuliyiinta katirsan dalka Lubnaan , ayaa sidoo kale sheegay in wali qeybo kamid ah dalka Lubnaan in ay joogaan xubno kale oo katirsan qoysaska Al-assad, kuwaa oo iyana suurto gal tahay in ay ka baxaan dalkaasi ayna tagaan dalal kale ay ku nabbad gali karaan.
Rifaat Al-Assad, oo hadda ah nin da’ ah kuna jira da’da sagaashamaadka ayaa horey loogu eedeeyay dambiyo dagaal iyo xasuuqii Hama ee 1982, masuuliyiin katirsan dowladda Lubnaan ayaana sheegay in aysan jirin amar looga dalbaday ninkan in ay soo xiraan.
Qoyska Madaxweyne Bishaar Al-assad , ayaa u kala firxaday dalal ay ku jiraan Imaaraadka iyo Ruushka, halkaas oo la sheegay in ay kaga sugan yihiin guryo ay leeyihiin, waxa uuna Al assad iyo carruurtiisa hadda joogaan magaalada Moscow oo qasriyo waa weyn ku leeyihiin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.