Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho,ayaa si adag uga hadlay weerarkii ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu laayay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya.
Ugu horrey wasiirka ayaa cambaareeyay weerarka ka dhacay Ceelbaraf ee lagu laayay askarta badan , waxa uuna tacsi u diray ehellada iyo qoysaska ciidankii ku dhintay weerarka, isagoona caafimaad u rajeeyay askartii dhaawacyadu soo gaareen.
“Waxaan murugada la qaybsanayaa qoysaska iyo ehellada geesiyaasha naftooda u huray difaaca dalka. Ciidanka dhaawaca ah waxaan u rajeynayaa caafimaad degdeg ah,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir.
Wasiirka ayaa sheegay in tallaabo deg deg ah laga qaadi doono kooxihii ka dambeeyay weerarka, isagoo ballan qaaday in muddo la siman 48 saacadood gudahood la soo qaban doono dambiilayaasha dilka arxanka daran geestay.
“Waxaan rabaa in aan halkan ka caddeeyo in cid walba oo ku lug leh falkaas aysan ku harsan doonin geyiga Soomaaliyeed iyaga oo xor ah, muddo 48- saac gudahood ayaana rajeeneynaa in lagu soo qabto dambiilayaasha ” ayuu yiri wasiirka.
Maleeshiyaad hubeysan oo ku sugnaa duleedka deegaanka Ceelbaraf , ayaa si arxandarro ah u dilay todobo askari oo katirsanaa ciidanka xoogga dalka oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan, dilka askartan ayaana salka ku hayay aano qabiil oo u dhaxeysa maleeshiyaadka dilka geestay iyo qabiilka ay kasoo jeedeen askarta la dilay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com