Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Muqdisho oo soo qabtay wiil Fal anshax-xumo ah sameeyay

Ciidanka booliiska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta  gobolka Banaadir , ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Garasbaaley, waxa ay kusoo qabteen wiil dhallinyaro ah oo ku kacay fal anshax-xumo ah oo dad badan ka xumaadeen.

War kasoo baxay taliska ciidanka booliiska ayaa lagu sheegay in lasoo xiray eedeysane, Liibaan Cabdi fitaax Daahir 18 jir ah kuna eedeysan in uu ku kacay falal Anshax-xumo oo lidi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Booliiska ayaana sheegay in ninkan lasoo xiray la horgeyn doono caddaaladda , si loogu qaado dambiga uu galay ciqaabteeda, waxa ayna booliiska dhallinyarada Soomaaliyeed uga digeen falalka anshax-xumada ah ay baraha bulshada ku faafinayaan.

Ciidanka booliiska Soomaaliya ,ayaa sidaan oo kale xalay u xiray nin kale oo dhallinyaro ah oo isna lagu eedeeyay in uu ku kacay fal dhaqan-xumo ah, wiilkaas ayaana muuqaal isaga oo dhaqan xumo ku sameenaya gabar xanuunsan ku baahiyay baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magacyada dableydii dishay Askartii lagu laayay Ceelbaraf oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Taliye Indha-qarshe oo kormeer qiimeyn ku tegay xeryihii hore ee ciidanka XDS (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo ka hadlay geerida Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---