Qeybo kamid ah dalka Kenya ayaa bilihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan waxaa loogu afduubtay dad badan oo mucaarad ku ahaa dowladda talada heysa, waxa ayna dadkaasi u badnaayeen kuwii abaabulayay dibadbaxyadii bilooyin kahor ka dhacay dalka Kenya.
Guddiga qaranka xuquuqda aadanaha Kenya oo magacooda loo soo gaabiyo (KNCHR), ayaa walaac xooggan ka muujisay dadka la afduubanayo aan laheyn nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyaan, waxa ayna hay’adu sheegtay in wali maqan yihiin dad badan.
War kasoo baxay hay’adda KMCHR , ayaa lagu sheegay in 26 qof la la’yahay ilaa iyo markii ay dhaceen dibadbaxyadii dowladda looga horjeeday bishii Juun, waxa ayna dadkan ku sheegtay in ay ahaayeen dadkii hormuudka u ahaa dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday.
Waxa ay sheegtay hay’addanm xaquuqdana aadanaha ee dadka Kenya u dooda in dadka maqan ay afduubteen dad hubeysan oon heybtooda la garan, waxa ayna hay;adda sheegtay in ay sii kordhayaan dadka sida hoose loo afduubanayo.
Hay’adda KNCHR, ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan saddaxdii bilood ee la soo dhaafay 13 kiis oo afduub ah ama la la’yahay dad , waxa ayna xustay hay;adda xuquuqda aadanaha in tirada guud dadka la’layahay ka dhigeyso tan iyo bishii Juun  82 qof.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com