Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo kulan deg deg oo Wadatashi la yeeshay Muuse Biixi iyo…

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo Madaxweyne-ku-xigeenka  Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi waxaa uu maanta kulan wada tashi ah la yeeshay Madaxweynayaashii iyo Madaxweyne-ku-xigeenadii hore ee  Somaliland .

Madaxweynuhu, Madaxweynayaasha iyo Madaxweyne-ku-xigeenada uu kulanka wada tashiga ah la yeeshay waxaa ka mid ahaa:

1. Madaxweynihii 5-aad ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,
2. Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin,
3. Madaxweyne-ku-xigeenkii 3-aad Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin,
4. Madaxweyne-ku-xigeenkii 2-aad Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.
Arrimaha mihiimka ah ee uu Madaxweynuhu kala hadley Madaxweynayaashii iyo ku-xigeenadii hore ayaa ahaa wada-tashi la xidhiidha xaaladaha hadda taagan ee mihiimadda iyo mudnaanta gaarka ah u leh Qaranka Jamhuuriyada Somaliland .

Guntii iyo gaba-gabadii, Isku-xidhnaanta Madaxda Somaliland ay xilli walba kaga arrinsadaan Xaaladaha dalku waa towfiiqda iyo talo-waaga ay Somaliland kaga duwan tahay Soomaalida kale. Kulankooduna waxa uu ummadda Somaliland u yahay ISHAARO-SAN iyo YIDIDIILO ah dhinaca adkaynta Qarannimada iyo wadajirka ummadda Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump oo wajahaya dacwado cusub

Caydiid Ali

Ciidankii lagu laayay Go’da yar oo aas Qaran loo sameeyay iyo Muusa Biixi oo hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Weerar dil & dhac kulansaday oo caawa ka dhacay duleedka Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---