Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo qaaday talaabo diblomaasiyaded oo xiiso leh

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan sameysay tallaabo diplomaasiyadeed oo xiiso leh, iyadoo madaxda ugu sarreysa ay safarro ku soo kala bixiyeen dalal kala duwan: Madaxweynaha ayaa booqday Eritrea, Wasiirka Arrimaha Dibadda wuxuu tegey Egypt, halka Wasiiru-dowlaha arimaha dibadu uu u ambabaxay Ethiopia.

Tallaabadani waxay soo bandhigeysaa istiraatiijiyad diplomaasiyadeed oo dhinacyo badan leh, taasoo muujineysa fursado iyo caqabado ku saabsan sida Soomaaliya u doonayso inay doorkeeda uga ciyaarto Geeska Afrika iyo dunida inteeda kale. Hadaba, Waxaana is dul-taagi doona 4 qodob oo muhiim ah, waxayna kala yihiin:

  1. Dheelitirka Xiriirka saaxiibtinimo ee Gobolkan iswada Qilaafsan

Eritrea iyo Ethiopia, inkastoo ay deris yihiin, waxay leeyihiin taariikh xurgufo iyo danaha iska soo horjeeda. Tallaabada Soomaaliya ee ah in xiriirro lala yeesho labadooda isku mar waxay muujin kartaa isku day lagu dheellitirayo xiriirka iyo ilaalinta dhexdhexaadnimada. Sidoo kale, xiriirka u dhexeeya Egypt iyo Ethiopia oo ay ka taagan tahay khilaafka Grand Renaissance Dam (GERD) ayaa ah arrin kale oo xasaasi ah. Soomaaliya waxay isku dayi kartaa inay isku soo dhowaato dhinacyadan iyada oo ka shaqeyneysa danaha dalkeeda. Sidoo kale, Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa jira taariikh xurgufo-hore iyo danaha iska soo horjeeda ee labada dal. Taas oo ay ugu danbeeyso xurguftii ka dhalatay isfahamkii baadilka ahaa ee u dhexeeyey Maamulka Soomaaliland iyo taliska Addis Abba, taas oo dhawaantan looga heshiiyey Ankara. Waxaad moodaa in Somalia ay dhankeeda diyaar u tahay in ay dhaqangeliso war murtiyeedkii ka soo baxay Ankara. Laakiin, ay saarantahay calaama su’aal fulinta dhanka Ethiopia kadib markii ay dhawaan ciidankoodu ku laayeen ciidan iyo shacab soomaaliyeed degmada Dooloow.

  1. Xulafeysiga Istiraatiijiga ah iyo Danaha Qaranka

Safarka Madaxweynaha ee Eritrea wuxuu u muuqan karaa dadaal lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo sidii loo taageeri lahaa ciidamada Soomaaliya ee halkaas tababarka ku qaadanaya, iyo ka shaafinta madmadow ka dhalan kara Warmurtiyeedkii Ankara, maadaama ay Somaliya, Eritrea iyo egypt ay horay u lahaayeen isbahaysi ka dhan ah Ethiopia.

Safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia ee Egypt wuxuu muujin karaa muhiimadda xiriirka Soomaaliya iyo Egypt iyo dunida Carabta iyo sidoo kale ka shaafinta in uusan waxba u dhimayn warmurtiyeedka Ankara xiriirka qotoda dheer leh ee kala dhexeeya Egypt. Dhanka kale, booqashada Wasiiru-dowlaha arimaha dibadu ee Ethiopia booqday iyana waxay ka tarjumaysaa muhiimadda xiriirka derisnimo ee labada dal, iyo sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhaqangelinta warmurtiyeedkii Ankara, kaas oo ku saleysan ganacsiga, amniga, iyo xasilloonida gobolka, inkastoo Dowladda Ethiopia aysan ahayn wadaa la aaminikaro maadaama ay aalaaba gacan bidixeeyso dowladda Soomaaliya.

  1. Khatarta Ajandayaasha Iskhilaafsan

In kasta oo tallaabadani ay fursad siin karto in la ballaariyo xiriirrada kala dhexeeya Soomaaliya gobolka iyo caalamkaba, haddana waxay dhalin kartaa dareen isku-dhacyo siyaasadeed. Tusaale ahaan, Egypt waxay u fasiran kartaa xiriir dhow oo lala yeesho Ethiopia inuu yahay mid iyada ka dhan ah, waxweyna u dhimaya xiriirkii walaaltinimo ee kala dhexeeyey Soomaaliya qarniyo. Hadaba, waxaa muhiim ah in Soomaaliya la timaado istiraatiijiyad cad oo ku dhisan see xeega loo xagtaa ilkana ku nabad galaan, maxaayeelay xiriirka ku dhisan kala shakiga ee u dhaxeeya Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa halis gelinkara inay sii xoojiso kalsooni darro gobolka dhexdiisa ah. Sidaasna ay Soomaaliya ku waayikarto Egypt iyo Ethiopia labadaba. Sidoo kale Eritrea waxay u arki kartaa in isbahaysigii lagu unkay Asmara uu ka buray dhanka Soomaaliya, ayna shaki ka qabikaraan in ay ku adagtahay Dowladda Soomaaliya sidii ay jeeb-qura isugu haynkarilahayd jiir  iyo bisad. Ama waxaaba dhicikarta in ay Dowladda Soomaaliyaba ay noqon weyso dowlad lagu kalsoonaankaro isbahaysigeeda iyo saaxiibtinimadeeda, saasna ay ku weyso sedexda dowladoodba(egypt, Eritrea iyo Ethiopia).

  1. Saameynta Gudaha Soomaaliya

Dhinaca gudaha, dadaalladan diplomaasiyadeed waa in loo arkaa inay u adeegayaan danaha qaranka, sida xoojinta amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo dejinta xasilloonida gudaha. Si kastaba ha ahaatee, dadka dhaliilsan talaabadaan diblomaasiyadeed waxay isweydiin karaan Etoobiyaanku ma la qabaan siyaasad Soomaaliya ee ku dhisan niyad wanaag iyo derisnimo-wanaaga. Waxaana ay qabaan dadbadan oo Soomaaliyeed in aysan dowladda Soomaaliya aysan marnaba qancinkarin doonida Ethiopia ay badda ku gaarayso xoog ama xeelad. Dad badan oo soomaaliyeed ayaa shaki ka qaba in Dowladda Soomaaliya ay isbahaysina kula jirikarto Egypt iyo Eritrea halka ay saaxiibtinimo dhaw la leedahay dowladda Ethiopia.

Guntii iyo gabagabadii, inkastoo safaradan ay muujinayaan tallaabooyin diplomaasiyadeed oo firfircoon, guushoodu waxay ku xirnaan doontaa sida Soomaaliya u dejiso istiraatiijiyad cad, taasoo diiradda saareysa danaha qaranka iyo yareynta xiisadaha gobolka.

Xiriir wax ku ool ah iyo daba-galka heshiisyada in ay fulaan ayaa fure u noqon doona xaqiijinta danaha qaranka kuwaas oo  faa’iidooyin la taaban karo u leh Soomaaliya. Soomaaliyana waxay maraysaa markii ay kala garan lahayd cadawgeeda, saaxiibkeeda iyo qolada ay isbahysiga ugu muhiimsan kula jirto mudana in laga hormariyo dowladdaha aan xiriirkooda-saaxiibtinimo aan la isku halayn karin.

Farhan Ali Ahmed

Related posts

Howlgal ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose oo lagu dilay Macalin Jeelle & ilaaladiisa

Caydiid Ali

Howlgal Ciidamo Huwan ah ka fuliyeen Sh/Hoose oo khasaaro dhaliyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Diyaarado Dagaal oo duqeyn culus ka fuliyay Duleedka Ceelbuur

Caydiid Ali
Taboola Ads ---