Allbanaadir.com
NEWS

Meydka dhaqtar laga helay Isbitaal ku yaalla Burco

Meydka ALLE ha u naxariistee dhaqtarkan oo lagu magacaabo Dr. Abdishakur Saleebaan, kana mid ahaa hawlwadeenada Caafimaadka magaalada Burco ayaa xalay laga helay qolka shaqaalaha ee isbitaalka Al-Khaliifa ee magaalada Burco.

Dhaqtarka ayaa la sheegay inuu habeen hore ku jiray shaqada habeenimo ee Isbitaalka ayna xaaladiisa caafimaad wanaagsaneyd xiligaas.

Xubno kamid ah hawl wadeenada caafimaadka ee gobolka Togdheer ayaa sheegay in marxuumku geeriyooday kadib markii wadnuhu istaagay (heart attack).

Ciidanka Booliska magaalada Burco ayaa la soo sheegayaa iney wadaan baaritaano dheeraad ah oo la xiriirta sababta rasmiga ah ee uu u geeriyooday dhaqtarka.

Related posts

Dedaalo xabsiga looga sii deynayo Marwan Barghouti oo socda

Cabdi Cade

Guddi loo xilsaaray arrin xasaasi ah oo su’aalo weydiiyey Wasiiro ka tirsan Xukuumada Xamza

Caydiid Ali

Guddoomiye todobaad gudihiis loo magacaabay labo degmo oo xilka la wareegay (Sawirro

Caydiid Ali
Taboola Ads ---