Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo qaaday talaabo lagu amaanay (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa caawa kulan gaar ah oo talawadaag ah la qaatay qaar ka mid Dhallinyarada, Aqoonyahanada Bahda Caafimaadka iyo Xirfadleyaal kale, kaasoo ka dhacay xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa mid mid u dhageystay Aqoonyanadii kulanka ka qeyb gashay, iyaga oo soo gudbiyay talooyinka iyo aragtidooda la xariirta horumarinta Caasimadda sida, Maamul wanaaga Amniga, Nadaafada, Caafimaadka, Waxbarashada, Dib u eegista adeegyada ay bixiso Dowladda Hoose ee Xamar, Dib u furista waddooyinaka xiran ee dhagaxyada lagu gooyay, ilaalinta dhulalka danta guud, Xal u helida maareynta biyaha Roobka, Dhismaha waddooyinka, Hirgalinta nidaamka Doorashooyinka iyo Xoojinta la dagaalanka musuq maasuqa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in hirgalinta siyaasadiisa uu ku biirin doono talooyinka ay caawa soo gudbiyeen Dhallinyarada iyo Aqoonyahanadii uu caawa la kulmay islamarkaana ay ka go’an tahay fulinta adeegyo waxtar u leh bulshada iyo in Gobolkan iyo Magaaladan hesho xaquuq siyaasi ah iyo hirgalinta Doorashooyinka golaha Deegaanka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir oo talaabadan talo wadaag ah lagu amaanay ayaa ka codsaday Bulshada Caasimadda in ay la shaqeeyaan oo ay ku garab istaagaan sidii Magaalada ula tartami laheyd magaalooyinka dhigeeda ah ee horumaray.

Related posts

Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Suuq ku yaalla Baydhabo (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Ku dhowaad 130 dagaalyahano Islaamiyiin ah oo lagu laayey saddex howlgal

Caydiid Ali

Soomaalida Nairobi oo dhaqaalihii ugu badnaa ugu deeqay shacabka B/weyne

admin
Taboola Ads ---