Maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda beesha Abgaal, ayaa caawa deegaan hoostaga degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe , waxa ay aajo qabiil y laayeen askar katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo safar ahaa.
Askarta la dilay oo gaaraya ilaa 4 ilaa 5 nin ayaa u dhashay beesha Xawaadle , waxaana la sheegay in ay fasax ka qaateen ciidanka ay katirsanaayeen, iyaga oona kusii jeeday gobolka Hiiraan oo deegaan ahaan ay kasoo jeedaan
Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa qoraal cambaareyn ah uu soo saaray caawa u qornaa sida tan:
Ugu horreyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si adag u cambaareeyay falkii argagaxa lahaa ee lagu beegsaday askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhacdadaan murugada leh waxa uu kaga tacsiyeeyay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoysaskoodii.
“Waa fal ka fog Shareecada Islaamka, dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo Xuquuqda Aadanaha. waxaan farayaa laamaha amniga 24-saac gudahood in sharciga la horkeeno cid walba oo ku lug-yeelato dhacdadii aragagaxa laheyd ee ka dhacday deegaan ku dhow degmada Ceelbaraf.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa bulshada Hirshabeelle ugu baaqay inay ka fogaadaan dhacdo kasto oo wax u dhimayo amniga iyo wadajirka bulshada.