Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan inuu falal anshax xumo ah ku kacay, lana wadaagay bulshada.
“Iyadoo La fulinayo amarka Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusman Cabdullahi ayaa Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banadir waxay gacanta Ku soo dhigeen Eedeysanaha Hoos idin ka muuqda kaasoo ku eedeysan Anshax xumo uu kula Kacay Gabar xanuunsan oo dhanka Dhimirka ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska Booliska.
Ninkan ayaa muuqaalkiisa lagu baahiyey baraha bulshada dhowaan isagoo falal gacmo gacmeyn ah kula kacaya meel wado ah dhexdeeda gabar la sheegay in madaxa looga jiro.
Muuqaalkaas oo qabsaday baraha bulshada ayaa dhaliyey caro baahsan oo ka timid bulshada taasoo sababtay in taliska Booliska DF uu amar ku bixiyo soo qabashada ninkan oo haatan sugaya in la horgeeyo Maxkamad