Israa’iil ayaa galabta tobannaan diyaaradood ku weerartay gudaha Yemen, iyagoo bambooyin ku garaacay garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Sanca iyo dekedda Xudeyda.
Weerarka waxay sheegtay Israa’iil inay uga jawaabayso weerarrada Xuutiyiinta, waxaana la xaqiijiyay labo qof inay weerarradaa ku geeriyoodeen.
Xuutiga, waa kooxda kaliya ka hartay kooxaha ay taageerto Iran ee la dagaallamaya Israa’iil, illaa hadda kaliya israa’iil waxay awoodda inay garaacdo kaabashaayasha ganacsiga, mana aysan gaarin xarumaha iyo saldhigyada Xuutiyiinta
Waxay saraakiisha Israa’iil sheegeen inay dhibaato weyn kala kulmayaan inaysan heyn xog sirdoon oo la xiriirta Xuutiyiinta iyo goobaha lagu keydiyo hubkooda, taana waxay meesha ka saaraysa inay Israa’iil gaarto goobaha militari ee Xuutiyiinta.
Natiijada nooc kasta oo weerar oo illaa hadda laga arkayo Israa’iil ayaa ah inay beegsanayso kaabayaasha ganacsi sida dekeda Xudeyda iyo garoonka dayuuradaha Sanca
Weerarka gelinka dambe ee khamiista maanta, wuxuu yimid xilli ay Xuutiyiinta joogteeyeen weerarrada ay ka geysanayaan gudaha israa’iil, iyagoo ballanqaaday inay weerarradaa sii socon doonaan illaa laga joojinayo xasuuqa Qasa.