Howlgal gaar ah oo si weyn loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu qaarajiyay Maxamed Mire Jaamac (Abuu Cabdiraxmaan) oo ahaa madaxii Al shabaab u qaabilsanaa xiriirka Gobollada sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay dowlada Somalia
Horjooge Abuu Cabdiraxmaan ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sareeya Khawaarijta 15-kii sano ee ugu dambeysay, asagoo horjooge ka soo noqday qaybaha boobka iyo baadda shacabka iyo qaybta maleeshiyaadka, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa aas-aasihii Jabhadii Caanoole oo si qasab ah ugu biirtay Khawaarijta Al-Shabaab 2009-kii” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda warfaafinta DF oo sidan hoose u qornaa:-