Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 26/12/2024 uu wareegto Madaxweyne ku magacaabay Ergayga Gaarka ah (Special Envoy) ee Madaxweynaha
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda uu Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynuhu u leeyahay hawlaha gaarka ah loo xilsaaro;
Markii aan ku qancay: Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba, isla markaana uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;
Markii aan sameeyey: La-tashi; Waxa aan go’aamiyey;
In Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Ergayga Gaarka ah (Special Envoy) ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 26/12/2024 uu wareegto Madaxweyne ku magacaabay La-taliyeyaal Madaxweyne oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Maaliyada Somalia C/raxmaan Ducaale Beyleh
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay La-taliyayaasha Madaxweynuha u leeyihiin hab-sami u socodka howlaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan ku qancay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadoodaba, isla markaana ay hanan karaan mas’uuliyaddaha ka dhalanaya xilalkan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaadan xubnahan hoos ku qoran La-taliyayaal Madaxweyne.
1-Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda.
2-Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Horumarinta Dhaqaalaha.
3-Cali Maxamed Yuusuf (Guray) La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.
4-Baar Siciid Xaaji Faarax La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Horumarinta Haweenka.
5-Xamse Cali Bulbul Ibraahim La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Warbaahinta.