Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa kulan la tashi ah la yeeshay aqoonyahanka iyo guud ahaan haldoorka Caasimadda.
Kulankankan ayaa qayb ka ah kulamo isxiga oo Hoggaamiyuhu la yeelanayay hormuudka bulshada Ssc-khaatumo, kaasoo lagu xusayo kacdoonkii buluugga ahaa ee dhalay Dawladnimada Ssc-khaatumo.
Ugu horrayn hoggaamiyaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka horumarineed iyo qorsheyaasha maamul ee ay ku guulaysatay xukuumaddiisu. Isagoo si weyn u sharraxay waxqabadyada xukuummaddu ku guulaysatay muddadii koobnayd ee ay talada deegaanka hormuudka ka ahayd.
Sidoo kale hoggaamiyaha ayaa ka soo qaybgalaasha la wadaagay hiigsiga Maamulka oo ay kaw ka tahay maamul daadejin baahsan oo ka hanaqaadda dhammaan deegaannada SSC-Khaatumo. Iyo sidii looga bixi lahaa kumeel gaadhka, loona xaqiijin lahaa hadafka shacabka deegaanka.
Ugu danbayn, hoggaamiyaha ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen aqoonyahanka deegaanku kuwaas oo ku saabsan dhinacyada kala duwan ee horumarinta iyo adkaynta difaaca deegaanka.