Allbanaadir.com
NEWS

Xaalad qalafsan oo soo wajahday Soomaalida ku nool Mozambique

Soomaalida ku nool dalka Musambiik ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi la xiriirta bedqabka naftooda iyo maalkooda, ka dib markii ay dalkaas ku faafeen rabshado ay dhigayaan taageereyaasha mucaaradka.

In ka badan 1,500 oo maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla Mozambique, iyagoo ka faa’ideysanaya qalalaasaha siyaasadeed ee weli socda ee ka dhashay natiijada doorashada lagu muransan yahay, sida ay booliisku sheegeen.

33 qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad dhex maray ciidamada iyo dibadbaxayaasha, sida uu shir jaraa’id ku sheegay taliyaha booliiska oo lagu magacaabo Bernardino Rafael.

Qiyaastii in ka badan 150 qof oo maxaabiis ah ayaa dib loo qabtay, ayuu raaciyey hadalkiisa.

Mudaaharaadyo ayaa dhacay Isniintii iyagoo ka jawaabaya maxkamadda ugu sarreysa Mozambique oo xaqiijinaysay in xisbiga Frelimo ee talada haya tan iyo 1975-tii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee bishii Oktoobar dhacday.

Mr Rafael waxa uu sheegay in kooxo mudaaharaadayaal ah oo ka soo horjeeda dawladda ay Arbacadii ku soo dhawaadeen xabsiga caasimadda Maputo. “Maxaabiista ayaa qalalaasaha uga faa’iidaystay in ay gidaar dumiyaan oo ay baxsadaan”, ayuu yiri.

Mozambique waxaa ruxay rabshado tan iyo doorashadii lagu murmay ee bishii Oktoobar. Natiijooyinka rasmiga ah ayaa muujinayay in musharraxa madaxweynaha Frelimo ee talada haya, Daniel Chapo uu ku guuleystay.

Mozambique waxaa ku nool ajaanib badan oo Soomaali ay ka mid tahay kuwaas oo halkaa ku haysta ganacsiyo kala duwan.

Sida wararku sheegayaan dadka xaruumahooda loo dhacay oo hantidoodii la qaatay intii ay rabshaduhu socdeen waxaa ka mid ah ganacsto Soomaali ah oo ku nool magaalooyinka iyo tuulooyinka dalkaas sida Maputo oo ah caasimadda iyo magaalada kale ee Nampula.

Sidoo kale waxaa lagu dhaawacay nin Soomaali ah oo dalka Malawi loo qaaday dhaawiciisa sida ay sheegeen xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida .

Maxamuud Cabdulqaadir Jaamac waxaa uu ka mid yahay ganacsatada ku nool magaalada Nampula, waxaana uu ka mid noqday ganacsato baqaarro ay lahaayeen la jabsaday oo laga qaatay wixii yaallay.

“Alaab tiro badan oo Kunteenar ilaa kunteenar iyo bar alaabtood ayay naga qaateen,” ayuu yiri Maxamuud Cabdulqaadir Jaamac. “Baqaar kale oo igu dhaganna waxay ka qaateen alaab kale, alaab aan hadda xisaabinay maaha waa alaab aad u badan oo bagaash ah,” ayuu raaciyay hadalkiisa Maxamuud.

Related posts

Xildhibaano uu ku jiro taliye Yaasiin Farey oo la dhaariyey iyo Xilkii taliyaha NISA oo

Caydiid Ali

Somaliland oo xirtay xubno ka tirsan qoyska Nimcaan Hilaac & xiisad ka taagan Boorama (Daawo Video)

Caydiid Ali

Guddiga Badbaadada Doorashooyinka oo Kulankii ugu horeeyay yeeshay ( Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---