Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dagaalo culus oo ka dhacay deegaanka Dacawley ee degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Inkastoo xogta laga heli karo halka dagaalku ka socdo ay adag tahay sababo la xiriira isgaarsiinta oo go’an, haddana waxaa la soo sheegayaa in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac uu jiro.
Dagaalku waxaa uu bilowday subaxii hore ee Arbacada, waxaana wararku ay sheegayaan inuu u dhaxeeyo ciidamada ammaanka ee dowlad deegaanka iyo shacab hubeysan oo ka soo jeeda Somaliland.
Warku waxaa uu intaa ku darayaa in labada dhinac la kala geeyay dhaawacyo iyo meydad dagaalka ku soo dhintay.
Dhanka Somaliland degmada Baligubadle ayaa lagu soo waramayaa in dhaawacayada badankood la geeyay, halka qaar kalena loo qaaday dhanka Jigjiga oo ilaa shan ka mid ah gawaarida gurmadka degdeg ah ay halkaasi geeyeen.
Somaliland ayaa cambaareysay wax ay ku tilmaantay “xasuuq”, iyadoo ku eedeysay ciidamada booliska ee dowlad deegaanka “in ay xasuuq u gaysteen dad shacab ah”.
Xukuumadda Somaliland ayaa warkeeda ku sheegtay in madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar uu u sheegay inuu ka xun yahay waxa ka dhacay Dacawalay.
Somaliland waxay sheegtay in ciidamada degaanku qafaasheen odayaal ka soo jeeda dhanka Somaliland oo halkaa u tagay waan-waan xaaladda lagu dejinayo.