Allbanaadir.com
NEWS

Halis soo wajahday Maxaabiista Israel looga heysto Gaza

Madaxweynaha aan awoodda badan lahayn ee Israa’iil, Isaac Herzog  ayaa u sheegay Netanyahu iyo hoggaanka siyaasadda inay halis ku jirto nolosha maxaabiista Israa’iil ee ku xiran Qasa.

Isaac Herzog waxaa uu intaas ku daray in sii deynta maxaabiistaas ay fure u tahay inay tanaasul sameeyaan sidii dadkaas loo  sii deyn lahaa

Arrintan ayaa ku soo aaday kaddib markii maanta Xamaas iyo Israa’iil uu midba midka kale ku eedeeyay inuu soo gudbiyay shuruudo adkaynaya in heshiis la gaaro, sida uu ku warramay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Maariv.

War-Saxaafadeed ay maanta baahisay Xamaas, waxay ku sheegtay inaysan qaadan doonin heshiis aan soo afjarayn dagaalka, wuxuuna mowqifkan ka duwan yahay hadalladii lagu sheegay inay Xamaas oggolaatay heshiis kumeel-gaar ah oo maxaabiis la isku dhaafsanayo.

Israa’iil ma ay doonayso heshiis soo afjaraya dagaalka, taasoo ah waxa ay doonayso Xamaas natiijada waa inan si dhow loo arki doonin heshiis xabbad-joojin ah oo laga gaaro xasuuqa 14 bilood ka socda Qasa.

Dhinaca kale, Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay in madaxa hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, David Barnea uu u soo jeediyay Netanyahu, saraakiisha amniga iyo siyaasadda inay Israa’iil qaado mowjado weerarro ah oo ka dhan ah Iran, si loogu cadaadiyo inay Iran ku qasabto Xuutiyiinta inay joojiyaan weerarrada gantaallada Ballistic-ga ah ee ay ku weerarrayaan gudaha Tela aviv.

 

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ka codsatay hirgelinta Mashaariic wax tar leh

Cabdi Cade

Maxaa keenay in Xisbiga Wadajir uu ka baxo Madasha Asxaabta Mucaaradka?

Caydiid Ali

Shaki laga muujinayo socdaalka Farmaajo ku joogo Kenya & arrimo xasaasi ah oo ku xeeran

admin
Taboola Ads ---