Allbanaadir.com
NEWS

Shan Qodob oo Itoobiya u diidaya iney gaarto badda Cas

Itoobiya ayaa muddo bilo ah ku jirtay dhibaato ka dib markii ay heshiis la gashay Somaliland kaasoo dhigayo in badda cas laga siiyo qeyb, ayna aqoonsato Somaliland

Soomaaliya oo u aragta in Somaliland ay qeyb ka tahay dalka ayaa ku eedaysay Itoobiya inay ku xad-gudubtay madax-banaanideeda Soomaaliya, iyadoo beesha caalamka ku cadaadisay in la baabi’iyo heshiiskaas.

Xiisadda u dhaxeysay bilihii lasoo dhaafay labada dal ayaa waxaa lagu xaliyay todobaadyo ka hor isku dayo isdaba joog ahaa oo uu sameeyay Turkigu.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiska Ankara kala saxiixday, iyadoo Madaxweynaha Turkiga uu arrintaa ka shaqeeyay waxaana heshiisku uu dhigayaa in Itoobiya ay hesho deked ganacsi oo hoos tagta dowlada Somalia.

Haddaba heshiiskaas waxaa ku hor gudban shan qodob oo adkeynaya inuu fulo kuwaasoo kala ah

1- Masar waxay si adag u diiday, galitaanka Itoobiya ee Badda Cas sababtu waxay taaban doontaa amniga qaranka Qaahira.

2- Eritrea sidoo kale ma oggolaan doonto iyadoo u aragta Itoobiya inay khatar ku tahay madax-bannaanideeda iyo amniga qaranka, iskuday kasta oo ay Itoobiya ku doonayso inay ku gaarto biyaha Badda Cas waxay kor u qaadaysaa dhibkeeda.

3- Wax-soo-saarka Djibouti iyo dakhliga gudaha ayaa si wayn ugu tiirsan itoobiya. Jabuuti ma rabto in Itoobiya bada Cas gaarto sababtoo ah khatar ayay ku tahay amniga qarankeeda iyo dhaqaalaha ka soo gala dekadaha.

4- Imaaraatka oo la fahansanahay in Abiy uu dhaqaale ahaan ku tiirsan yahay isna wuu diidi doonaa riyada Itoobiya. Sababtoo ah Imaaraadku  Berbera waxa uu maalgaliyay oo keliya suuqa Itoobiya, isku day kasta oo lagu carqaladaynayo daqligooda ma shaqayn doono.

5- Xuutiyiintu waxa ay la dagaali doonaan Itoobiya maadaama ay dareemi karaan in Itoobiya dabada ku wadato Israa’iil haddii ay dhacdo in Abiy uu ku guulaysto inuu helo badda. Waxay sidoo kale ku dhiirigelin doontaa Xuutiyiinta inay taageeraan oo ay gantaallo siiyaan kooxaha hubaysan sida Al shabaab ama kooxaha kale si ay ugu hortagaan dhaqdhaqaaq kasta oo Addis ku gaari karto Badda Cas.

Dhamaan wadamada kulaala Bada Cas (Masar, Jordan, Eritrea, Sudan, Somaliya , Yemen, iyo Boqortooyada Sucuudiga) waxa ka go’an in Itoobiya laga ilaaliyo Bada Cas.

Related posts

Mareykanka oo kordhiyay beegsiga Saraakiisha Al Shabaab iyo Dowlada oo …

Cabdi Cade

Nin Dhaawac ahaa oo lagu dhax dilay gudaha Isbitaal kuyaala magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Daawo Video:-Caruurta ku nool England oo la barayo waxyaabaha GALMADA la xiriira iyo Soomaalida oo ka qayliyay!!

admin
Taboola Ads ---