Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu agaasime Dhuxulow kala hadlay Wakiilka Midowga Afrika?

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kulan kula qaatay Xafiiskiisa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Mohamedamine Souef El iyo Taliyaha Guud ee Ciidamadda ATMIS,  Lt. Gen Sam Kavuma.

Agaasimaha Guud iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqaynta labadda dhinac ee ku aaddan Arrimaha Socdaalka

Sidoo kale waxay isla soo qaadeen kaalinta Midowga Afrika ay ka qaadanayso horumarinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda gaar ahaan kaabayaasha adeeg-bixinta iyo sare u qaadida aqoonta saraakiisha heyadda

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Mohamedamine Souef El ayaa u hambalyeey hogaanka cusub ee heyadda isagoo balan-qaaday in Midowga Afrika uu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo heyada arrimaha socdaalka.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ugu dambeyn ka warbixiyey sida ay u shaqeyso heyadda iyo waajibaadka ka saaran arrimaha socdaalka ee dalka, isagoo Midowga afrika uga mahad celiyey taageeradooda

Related posts

Wasiirkii hore ee Warfaafinta  oo maanta xilka Wasaaradaasi iska wareejiyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wiilka Madaxweyne Museveni oo baahiyay qoraal hadal heyn badan iyo Shaki abuuray

Cabdi Cade

Villa Somalia oo xanibaad ku soo rogtay qaar ka mid ah Suxufiyiinta Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---