Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo xasuuq ku eedeysay ciidanka Liyuu Boolis

Dagaal xooggan ayaa saaka mar kale dib uga qarxay deegaanka Dacawaley ee degmada Xarshin ee dawlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya Ciidanka Liyuu Booliska deegaanka iyo Shacabka Dacawaley.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidanka Liyuu Booliska weerar saaka kusoo qaadeen magaalada Dacawaley.

Magaalada Dacawaley waxaa ku sugnaa maalmihii u dambeeyay Madax-dhaqameed u joogey halkaasi sidii Nabad looga dhalin lahaa waxaana baraha bulshada lagu wadaagay muuqaalo muujinaya guryo degaanka ku yaalla oo dab la qabadsiiyey

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ciidamadda Liyuu boolisku ay xasuuq ka gaysteen deegaanka Dacawalay oo ku yaalla xadka Somaliland iyo dowlad degaanka Soomaalida

WAR-SAXAAFADEED

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hanaanka Dawladnimo.

Dhinaca kale Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad.

Wasiirka Amniga Gudaha JSL waxaa uu si xoog leh u cambaaraynayaa falalka foosha xun ee ay Degaanka Dacawalay ka geysteen Ciidmada Liyuu Booliska ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya, kuwaasoo geystey Xasuuq baahsan, masuuliyadda ka dhalatana ay qaadi doonaan.

Madaxweynaha Maamuul Soomaalidda Itoobiya, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay Degaanka Dacawalay.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay la xidhiidhay Dawladda Federaalka Itoobiya oo xidhiidh Nabadgelyo iyo mid siyaasadeedba ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku wargelisay arrinta ka dhacday Degaanka Dacawalay iyo dhibaatada ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, iyadoo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya maalinta beri ah wada hadal ku dhex mari doono Xadka labada Dawladood.

Related posts

Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo kamid noqday BF oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo

Cabdi Cade

Xaflad lagu soo dhoweynayey Musharaxa Saciid Ciise oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo dalab adag hor dhigtay Xukuumada RW Abiy Ahmed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---