Allbanaadir.com
NEWS

Horumarinta iyo dib u dhiska Magaalada Muqdisho oo laga shiray

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo la xariira horumarinta dib udhiska caasimadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa diirada lagu saaray dardargalinta mashaariic lagu horumarinayo magaalada, gaar ahaan dhismaha waddooyinka, xal u helida maareynta biyaha roobka iyo dib u dhiska xarumaha danta guud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa  Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa kula dardaarmay madaxda iyo howl wadeenada waaxda howlaha guud in si daacadnimo iyo alla ka cabsi kujirta ay uga u gutaan waajibaadkii loo igmaday islamarkaana uu jiri doono islaxisaabtan iyo dabagal la xariira howlaha socda.

Duqa cusub ee Muqdisho , ayaa ballanqaaday in uu ka shaqeenayo dib u dhiska iyo horumarinta caasimadda Muqdisho, waxa uu si gaar ah u baallanqaaday dhismaha waddiiyinka iyo kaabayaasha kale ee dhaqaale.

Related posts

Labo kamid ah Madaxda maamul goboleedyada oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xukun dil ah oo maanta lagu riday nin Muran siyaasad ka dhashay u dilay nin kale

Cabdi Cade

Taliye sare oo katirsanaa kooxda Daacish oo nolol lagu qabtay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---