Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo magacaabay agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta wareegto uu soo saaray waxa uu xilka uga qaaday agaasimihii guud ee Hay’adda Sirdoonka maamulka Somaliland, waxa uu sidoo kale magacaabay agaasime cusub.

Wareegtada Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-014/122024, ayuu xilka   Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka maamulka Somaliland ugu magacaabay in uu noqdo Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed .

Wareegtada Madaxweynaha ayaa u dhigneed sida tan :

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku u leedahay Amniga Dalka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan ku qancay: Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba, isla markaana uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;

Markii aan sameeyey: La-tashi;

Waxa aan go’aamiyey;

In Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masiibo ka taagan degmo ka tirsan Puntland & Madaxweyne Deni uu guddi u saaray (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Madaxweyne Deni oo Magacaabay La-taliyeyaal cusub oo uu ku jiro Jen. Morgan

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo diiday inuu saxiixo xeer uu ansixiyay koongareeska Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---