Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Eretria oo ku hanjabtay in xiriirka u jareyso Soomaaliya haddii ay …

Dowladda Erirea oo kamid ah xulufada dowladda Soomaaliya sameesatay , kaddib khilaafkii dowladda Itoobiya, ayaa hadda shaki badan ka qabta heshiiskii dhawaan magaalada Ankara ku dhax maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Dibloomaasi Cabdiqaadir Idiris, oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya, ayaa walaac xooggan ka muujiyay heshiiska Ankara ku gaareen Xasan Sheekh iyo Abiy, waxa uuna heshiiskaasi ku tilmaamay mid madmadow badan iyo shaki uu ku jiro la iskuna haleyn karin.

Waxa uu xusay Mr Idirs , haddii ay xaqiiqo noqoto in Soomaaliya siiso dowladda Itoobiya marin biyood ay qaadi doonaan tallaabooyin adag, waxa uuna caddeeyay in ay gabi ahaan xiriirka u jari doonaan dowladda Soomaaliya oo uga baxday heshiisyo iyo ballamo hore oo ahaa in ay Itoobiya ka difaacaan.

“Heshiiskii ugu dambeeyay ee ay galeen dowladaha Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxa uu ahaa sidii Soomaaliya looga difaaci lahaa gardarada Itoobiya oo soo hamisay biyaha Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiqaadir Idiris.

Diblumaasigan lataliya dowladda Eritrea , ayaa sheegay in lama filaan ku noqotay heshiiska ay galeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy, waxa uuna wax lala yaabo ku tilmaamay in Soomaaliya xilligan oggolaato in bad marin biyood ah u saxiixdo Itoobiya.

Ugu Dambeyn Cabdiqaadir Idiris ayaa sheegay hadii ay xaqiiqo noqoto heshiiska Soomaaliya Itoobiya ku siineyso marin biyood ay halis ku jirto amniga Geeska Afrika, waxa uuna madaxda dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay ka fiirsadaan arrimahan taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Iskaashiga oo war kasoo saaray iscasilaadii qaar ka tirsan Guddiga doorashada Koonfur galbeed

admin

Madaxweyne Trump oo lagu tilmaamay Sheydaan weyn oo Xirfad laheyn

Cabdi Cade

Tacshiirad khasaare nafeed geysatay oo la isku weydarsaday garoonka Laascaanod

Caydiid Ali
Taboola Ads ---