Dowladda Denmark ayaa si weyn u adkeysay difaaca iyo amniga jaziirada Greenland , kaddib markii Madaxweynaha dib loo doortay ee Donald Trump ka dhawaajiyay in damac weyn kaga jiro in jaziiradaasi uu la wareego.
Madaxweyne Donald Trump , ayaa Isniintii si cad u sheegay in lahaanshaha iyo xakameynta jasiiradda weyn ee Greenland ay tahay baahi lagama maarmaan ah, waxa uuna xusay in Mareykanka dan weyn ugu jirto helitaanka Jasiiradasai.
Dowladda Denmark oo ka duuleysa damaca Madaxwene Donald Trump ku doonayo helitaanka Jasiirada Greenland, ayey durba adkeeyeeb difaaca jasiiradasai, waxa ayna dowladda xustay in iyadu leedahay cid kalana aan loo oggolaan doonin.
Jasiirada Greenland, ayaa hoos taga Denmark, waxay hoy u tahay xarun ballaaran oo hawada sare ee Mareykanka ah, taas oo uu ku leeyahay halkaas ahna mid istaraatiiji ah u ah Mareykanka, maadaama ay ku taallo waddada ugu gaaban ee u dhaxaysa Waqooyiga Ameerika iyo Yurub. Waxa kale oo ay leedahay kayd badan oo macdan ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com