Duulimaadka hawada sare ee NASA ayaa isku dayaya inay sameeyaan taariikh cusub iyaga oo markii ugu horraysay diraya dayax gacmeed la filayo inuu u dhawaado qorraxda.
Parker Solar Probe, ayaa dhexmaraya jawiga sare ee xidigaha isaga oo u adkaysankara kulaylka iyo shucaaca.
Saynisyahannada waxa ay sheegeen in kulaylka daran ee uu sii dhexmarayo dayax gacmeedka uu sababyo in ay lunto isgaarsiinta, balse ay sugayaan calaamad muujinaysay halka uu ku suganyahay marka ay taariikhdu tahay 27-bishaan sii dhamaanaysa ee December.
Hadafka dayax gacmeedka loogu dirayo masaafada aadka ugu dhaw qorraxda ayay saynisyahannadu ku sheegeen inay tahay in la helo waxyaabo ka caawinaya inay fahmaan sida ay qorraxdu u shaqeyso.
Dr Nicola Fox, oo ah madaxa sayniska ee NASA, ayaa BBC-da u sheegay in “Muddo qarniyo ah, dadku wax ka baranayeen qorraxda, balse aan la dareemayn jawiga illaa la booqdo”
Baaritaanka qorraxda ee Parker, waxaa la bilaabay sanadkii 2018, xilligaas oo lagu sii jeeday in la gaaro meel aad ugu dhaw bartamaha qorraxda.
Dhowr jeer oo hore ayaa la isku dayay baaritaano kan lamid ah iyadoona loo dhawaaday illaa 21 jeer, balse kan ayaa lagu tilmaamay inuu noqonayo mid jabinaya rikoor cusub.
Markii ugu dhawayd ee la isku dayay in dayax gacmeed loo diro qorraxda waxaa loo jirsaday 3.8 milyan oo mayl oo u dhiganta 6.2 milyan oo kiiloomitir.
Tani ma ahan mid uu muuqata wax dhaw balse NASA, ayaa aragtideeda ku sharraxday sidaan: “Waxaan qorraxda u jirnaa 93 milyan oo mayl, balse Parker Solar Probe, ayaa qoraxda u jirsandoona far sentimitir, taas oo ah soo dhawayn fiican.
Dayaxgacmeedkaan ayaa u adkaysan doona heerkulka 1,400C iyo shucaac waxyeelo u gaysan kara xarkaha gudaha ee dayax gacmeedka.