Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo si adag u beenisay Eedeyn uga timid dowladda Soomaaliya

War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Itoobiya ayaa lagu beeniyay  in ciidankeeda ay ka dagaalameen degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo shalay ka dhacay dagaal ay qeyb ka ahaayeen ciidamada Itoobiya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ,a ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay hadalkii xalay kasoo yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ee lagu eedeeyay in ciidankooda qeyb ka ahaayeen dagaalkii shalay Doolow ku dhax maray ciidanka DFS iyo kuwa Jubbaland.

”Itoobiya ayaa aad uga xumaaday hadalka ka soo yeeray dowladda Soomaaliya ee lagu eedeynayo ciidamada Itoobiya ee ku aadan dhacdadii ka dhacday magaalada Doolow  ee gobolka Gedo, eedeyntaasi ma ahan mid sax ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Itioobiya.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda Itoobiya, ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya qoraal xalay kasoo baxay lagu eedeeyay in ciidanka Itoobiya qeyb ka ahaayeen dagaalkii shalay ka dhacay Doolow, dagaalkaasi ayaana lagu dilay askar katirsan ciidanka xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax lagu dilay Wadaad Soomaaliyeed oo caan ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo

Cabdi Cade

Dhibaato ay ka nasteen Shacabka Muqdisho oo hadda soo laabatay

Cabdi Cade

Hooyo iyo Caruurteeda oo ku dhintay Darbi xalay kusoo dumay Duleedka Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---