Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal ciidan oo lagu dilay Dhuusomareeb iyo ninkii dilay oo la qabtay (Sawirro)

Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ayaa goordhaw gacanta kusoo dhigay nin loo heysto inuu xalay dil u geystay L/Xidigle Xasan Quuri oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, qeybta Galmudug.

Dilkaas ayaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxaana howlgal saakay ay fuliyeen ciidamada amniga  ugu suurto gashay in gacanta kusoo dhigaan ninkii dilka geestay oo isku dayayay in uu ka baxsado laamaha amnifa.

Taliyaha saldhigga booliiska magaalada Dhuusamareeb Dhamme Nuur Cilmi oo goordhaw la hadlay Warbaahinta , ayaa sheegay in gacanta kusoo dhigeen dilaaga, waxa uuna xusay in ay ku socdaan baaritaan si deg deg ahna caddaaladda loo horgeyn doono.

Dowlad goboleedka Galmudug, ayaa inta badan askarta iyo dadka kale ee dilalka geesta waxaa loo soo qabtaa si deg deg ah, waxaana lagu fuliyaan xukunno dil ah oo ku ridaan maxkamadaha halkaasi kuyaalla.

 

Related posts

(Akhriso) Nuxurka Khudbadii Xassan Shiikh ka jeediyey Golaha Guud ee QM+Sawirro

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen RW Xamse iyo dhigiisa C/qaadir Kaamil Max’ed (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliiska Muqdisho oo lacag dul dhigay labo nin oo baxsad ku jiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---