Turkiga wuxuu u dabaal-deggaya guusha muhiimka ah ee diblomaasiyadeed ee uu ka gaaray inay is afgarad gaaraan Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib muddo sannad ku dhow oo labada dal uu soo kala dhex galay khilaaf uu ku guul-darraystay dhinac kasta oo kale oo aan Turkiga ahayn, illaa hadda sannad kaddib wafdigii u horreyay ee Soomaaliya ayaa shalay tagay Addis Ababa, balse maalmo kaddib is afgaradkaa gudaha Soomaaliya waxaa laga maqlayaa codka ka soo horjeeda siyaasadda Turkiga, waa xaalad ka dhalatay hadal uu jeediyay Erdogan oo uu ku muujiyay istiraatijiyada ay dalkiisa u leedahay Itoobiya , marka la gaaray Soomaaliya ayuu sidoo kale ku soo bandhigay dal ay garab istaageen oo ay siiyeen taageerro bani’aadanimo iyo maalgashi.
Is barbar dhiga saameynta Turkiga ee labada dal;
Turkiga wuxuu yimid Soomaaliya xilli uu dalka wajahay xaalad bani’aadanimo oo darran , waqtiga 2011-kii, waxay Soomaaliya ku jirtay marxalad soo kabasho oo waqti dheer qaadatay, taa oo meesha ka saartay kaabayaashii adeegga dawladda, wuxuuna isla waqtigaa Turkiga billaabay dib u dhismaha hay’adaha dawladda iyo xarumo kale oo muhiim ah , illaa safaaradda ugu weyn ee dunidda uu ku leeyahay uu ka hirgeliyay deegaanka xeebta badweynaha Hindiya ee caasimadda Muqdisho, markaa oo ay xigtay furitaanka garoonka diyaaradaha oo dib loo dhisay, saldhigga militari iyo xarumo caafimaad oo uu ku jira isbitaalka illaa hadda adeegga ugu sarreeya dalka ka bixiya ee loogu magac darray Erdogan oo taariikh ku sameeyay inuu noqday hoggaamiyihii u sarreeyay ee booqasho waqtigaa ku taga Soomaaliya.
Turkiga wuxuu muddo 13 sanno ah u rogay Soomaaliya dal muhiim ah , dhismayaashiisana waxay ka dhigtay Soomaaliya dal istiraatijiyad diblomaasiyadeed u leh, laakin muddada ma gaarin 2 bilyan muga ganacsi ama wadaagga dheef ee labada dal, taasi wali waxay mudnaan siinaysa Turkiga .
Marka laga hadlayo Itoobiya, wuxuu Turkiga la leeyahay taariikh dheer oo xiriir diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale , sidoo kale wuxuu Turkiga ka howlgaliyay gudaha Itoobiya warshadiisa wax soosaarka ganacsi , sabab la xiriirta suuqa ballaaran ee Itoobiya oo toban mar ka badan faa’iidooyinka Turkiga uu ka heli karo Soomaaliya , tani waxay la xiriirka 100 milyan ee Itoobiya iyo tirada aan gaarin 50 milyan ee Soomaalida.
Mugga ganacsi ee labada dal , waa Turkiga iyo Itoobiya wuxuu gaarsiisan yahay in kaliya Turkiga uu u dhoofiyo Itoobiya sannad kasta ganacsi ka badan shan boqol oo milyan oo dollar , wax dhoofintaanna waxay ka timaadaa birta, cunnada, daawooyinka, saliidda, hubka, qalabka dhismaha iyo wax soosaar kale ee Turkiga.
Muxuu ku dhisan yahay xiriirka dalalka iyo danaha ay wadaagaan?
Dalalka waxay saaraan diiradda danahooda, taa ayay ka timaada difaaca amni iyo taageerrada kale ee diblomaasiyadda ay ku jirto, marka is barbar-dhiga uu ku yimaado xiriirka , haddana waxaa soo hormaraysa danaha halka ay ku badanyihiin wax u dhigma in Itoobiya ay u tahay Turkiga mid uu ka doorbidi karo waqti kasta Soomaaliya, sabab la xiriirta danihiisa ganacsi iyo diblomaasiyadeed.
Soomaaliya waa dal ‘goob eber ah’ oo lahayn awood diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale , sabab la xiriira burburka dheer , daciifnimada dawladeed iyo bulsho oo ay weheliso siyaasadaha gudaha iyo amniga ee aan suragelinayn maalgashi iyo ka faa’iideysi kale , tan ugu darran waa in faragelin aan xad lahayn ayay dalalku ku leeyihiin Soomaaliya , taa oo meesha ka saaraysa heerka daacadnimada, mowqifka iyo madax bannaanida Soomaaliya , buug kasta oo la rogana lagama heli karo 40-kii sanno ee u dambeysay mowqif madax bannaani leh— dib waxaa loo baahiyay taariikhda la xiriirta waqti kale duwan oo laga arkay Turkiga mowqif ka dhan ah Soomaaliya oo ay ku jirtay markii Soomaaliya ay la-dagaallamaysay Itoobiya, isla taariikhda waxay inoo xaqiijinaysa Turkiga iyo dal kasta oo kale wuxuu ka tagi doonaa haddii la gaaro marxalad u baahan dhiig, sabab la xiriirta xaqiiqada ay qarinayaan Soomaalida oo ku saabsan ‘qiimahooda’.
Dhibaatada kale ee ay tahay in la sheego waa inaysan Soomaaliya lahayn tayada ay ku soo bandhigi karto ciyaarteeda gaarka ah oo ay gorgortan diblomaasiyadeed ku geli karta ama lagu dheeli-tiro awoodaha adigoo ku tartansiinaya danahaaga, halkan waa goobta lagu soo bandhigo feejignaanta dal, qiimaha diblomaasiyadeed iyo istiraatijiyadeed ee uu sharraxi karo, kuna geli karo gorgortan maan-gal ah oo dhinaca kale ku qancin karta inuu kula joogi doono illaa maalinta u dambeysa..! Carada iyo eedeymaha waa inan ka doorbidnaa doonista isbeddel lagu gaari karo in Soomaaliya ka soo kacdo booska eberka ah ! Tan oo ku imaan karta adeegga dawladeed iyo dareenka bulshadaba inuu u shaqeeyo qaranimo waxtar u leh naftooda iyo dunidda kale, sababtoo ah saxaraha bannaan ee khaliijka illaa dhulka barafku xiray, jasiiradii kaneecada ee isbeddeshay Singapore-ta maanta, waxay soo bandhigeen qiime ka duwan midka ay joogen waqti, kaddib markii ay wajaheen xaqiiqda oo ay isbeddel u dhaqaaqeen!
Hadda miyay tahay inuu marxaladan ka caroodo Soomaaliga ? Waydii naftaada illaa intee la joogi kartaa Soomaaliya ? Turkiga wuu tagi karaa haddii uu arki waayo danihiisa, wuxuuna doorbidayaa dhinaca faa’iideda leh , haddii aad isku sheegtay bakhaaro lacag inuu Turkiga ka dhisi doono guryaha Soomaaliya , ma aha sidaa ee taa beddelkeeda waa in Soomaalida ay is waafajiyaan riyooyinkooda iyo ficilka oo lagu garto marka la wajaho xaqiijada..
W/Q Iman Jamac