Allbanaadir.com
NEWS

DF: “Eedaysane Axmed Madoobe waa lagula Xisaabtamayaa weerarada Shacabka Jubbaland”

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa war ay soo saartay caawa ku sheegtay iney si dhow ula socoto tacadiyo tiro beel lagu tilmaamay oo  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu kula kacay Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Degaanada Jubbaland.

“Tacadiyadiisa oo ahaa kuwa muddaba soo tixnaa waxaa u dambeeyay mid uu saakay ku qaaday Shacabka ku nool deegaanka Kulbiyoow ee Gobalka Jubbada Hoose, kuwaasoo ahaa dad isku abaabulay inay Khawaarijta iska caabiyaan, balse nasiib-darro uu Axmed Madoobe iyagii weeraray, isla markaana u gaystay dil, dhaawac, jir dil iyo dhac intaba” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada amniga

“Falkan waxa uu daba socdaa falal noocaan oo kale ah, kuwaas oo uu ka gaystay Magaalooyinka Kismaayo, Raaskambooni, Dhoobleey iyo Afmadoow” ayaa sidoo kale lagu yiro qoraalka wasaarada oo sidan hoose u qornaa.

Related posts

Xeer ilaalinta oo shaacisay liiska Masuuliyiin Musuq u xiran iyo kuwa baxsad ah (Magacyada)

Cabdi Cade

Diyaaradii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh u qaaday Baladweyne oo laga dansaday …

Cabdi Cade

Kiisaskii ugu badnaa ee cudurka COVID-19 oo laga helay xaafada Soomaalidu degto ee Islii

Caydiid Ali
Taboola Ads ---