Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay Mohammad Jamil Yousef oo ah Taliyaha Booliiska Ciidamada Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya UNTMIS .
Kullan gaar ah oo labada Taliye wada qaateen ayaa looga hadlay u diyaar garowga wakhtiga kala guurka iyo kaalinta kaga aadan Ciidanka Booliiska, xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Qaramada Midoobay,
Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi waxa uu sidoo kale Taliyaha UNTMIS la wadaagay wax kabadalka uu ku sameeyey mudada uu xafiiska joogay qorshaha istaraatiijiyadda Booliiska oo saldhig looga dhigay isla xisaabtan ,dhisidda kalsoonida shaqada Ciidanka, casriyeynta kaabayaasha amniga iyo farsamada ciidanka si kor loogu qaado xirfadooda iyo hufnaantooda.
Taliye Mohammad Jamil Yusuf ayaa soo dhaweeyey qorshaha cusub waxaana uu balanqaaday in dhankooda xoojinayaan taageerada ay Booliiska siiyaan, waxaana uu Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gudoonsiiyey bilad sharaf uu ku mutaystay hagaajinta iyo xoojinta wada shaqaynta dhexdooda mudada kooban ee uu Taliyuhu xafiiska joogay.