Allbanaadir.com
NEWS

Ismaaciil Aadan Cismaan (Al-Hashimi) oo xil sare loo Magacaabay

Wareegto Madaxweyne.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta wareegto ku magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne  Magacaabid Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Qoddobka 20aad iyo 49aad ee Xeerka Ciidanka Qaranka ee Xeer Lr.105/2023;

Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda uu La-taliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranku u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii aan ku qancay: Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba, isla markaana uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan,

Markii aan sameeyey: La-tashi, Waxa aan go’aamiyey In Ismaaciil Aadan Cismaan Al-Hashimi (Ismaaciil Yare),  laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka.

Related posts

(Sawirro) Guddoomiye Gacal oo furay laami cusub oo isku xiraya labada dhinac ee Gaalkacyo

Caydiid Ali

Maxkamad mar kale amartay in la soo xiro Raisul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan

Caydiid Ali

Imaaraadka Carabta oo lacagtii loo fasaxay ugu deeqay dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---