War- saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Jubbaland, ayaa lagu eedeeyay dowladda Federaalka uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh in ay ka shaqeeneyso burburinta Jubbaland iyo iska horkeenidda dadka deegaanka.
Madaxtooyada Jubbaland , ayaa sidoo kale ku eedeysay in dowladda Federaalka ka dambeysay weerar saakay lagu qaaday guddoomiyaha cusub ee Badhaadhe, waxaana weerarkaasi ay geesteen ciidamo ka fallaagoobay Jubbaland lagu dilay shan askari oo ilaalada guddoomiyaha katirsanaa.