Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo arrimo muhiim ah la wadaagay guddiga doorashooyinka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka isaga oo Warbixin ka dhageystay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliyeed uga go’antahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah iyadoo awoodda loo celinayo shacabka si ay codkooda ugu soo doortaan madaxda hoggaamineysa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddiga doorashooyinka kula dardaarmay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galo hirgalinta doorashooyinka dalka si hufan oo caddaalad ku saleysan maadaama uu Baarlamaan.

Guddigan ayaa dowladda Soomaaliya u xil saartay in  ay qabtaan doorasho qof iyo cod ah, xilli muddo xileedka dowladda ka harsan tahay wax ka yar sannad iyo bar, waxaana la aaminsan yahay in guddigan codsan doonaan muddo kororsi si ay doorashadaasi u higaliyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Jubbaland: Ma aqbalayno fulinta Xeerarka uu ansixinayo Baarlamanka Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxaya safar kale oo dibeda ah

Caydiid Ali

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qab qabtay Mootooyin badan iyo Masuul ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---