Allbanaadir.com
NEWS

Boqolaal arday oo Jaamacado ka baxay oo ku biiraya Booliiska Puntland (Sawirro)

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa markii u horraysay shaaciyay in ay qaateen 500 oo dhalinyaro ah, oo dhammaantood ka baxay jaamacado, si loogu tababaro saraakiil boolis ah.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayay ku sheegeen in qaateen 500 oo dhalinyaro ka baxday jaamacadaha oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaasi oo loo tababari doono saraakiil ciidan iyo takhakhusaad gaara.

“Ciidanka boliiska dowladda Puntland ayaa qaatay 500 oo dhalinyaro ah kana baxday jaamacadaha isuguna jirta rag iyo dumar kuwaas oo ku soobaxay codsiga qaadashada , loona tabaridoono saraakiil iyo takhakhusaad gaara” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Taliska Booliska Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ay weli socoto qorista dhalinyarada ku biiraysa Booliska islamarkaana diiwaan-gelintoodu ku eg tahay 25 bishan December ee sannadkan dhammaadka ah ee 2024.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/guuto Muumin Cabdi Shire ayaa sidoo kale kormeeray shaqada guddiga qorista dhalinyarada ku biiraya Booliska, kuwaasi oo tababar loo furayo 1 bisha January 2025.

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Wakiillo ka socday dowladda Norwey (Sawirro)

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga helay kulankii Farmaajo la qaatay taliyeyaasha sare ee Ciidamada

Caydiid Ali

(Akhriso) Puntland oo shaacisay jadwalka doorasho qof & cod ah oo ka dhaceysa 3 degmo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---