Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya iyo Somaliland oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliland mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa kulan muhiim ah la qaatay wakiilka, safiirka u dhigma ee  dowladda Itoobiya u fadhiya magaalada Hargeysa  Ambassador Teshome Shunde Hamito.

Kulanka ay yeesheen Wasiirka iyo wakiilka Itoobiya u jooga Somaliland , ayaa isbarasho kaddib looga hadlay xariirka labada dhinac ka dhaxeeya iyo sidii loo xoojin lahaa, waxa ay sidoo kale kawada hadleen arrimaha ammaanka xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Amniga Somaliland, ayaa sidoo kale kala hadlay wakiilka Itoobiya, dagaal dad badan ku dhinteen oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday deegaanka Docoley ee katirsan dowlad deegaanka, kaa oo u dhaxeeyay maleeshiyaad  kasoo jeeda Somaliland iy kuwa kale ee dowlad deegaanka kasoo jeeda.

Maamulka Somaliland, ayaa xiriir haw waxa uu kala dhaxeeyaa dowladda Federaalka ee Itoobiya, lamana oga waxa maamulka cusub ee hadda la wareegay talada Somaliland ka beddeli doonaan xiriirkan Itoobiya kala dhaxeeya iyo heshiisayadii ay horey ula galeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay degmada Buur hakaba

Caydiid Ali

Nin Maamule ka ahaa Iskuul oo caawa lagu qaarajiyey Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Sargaal katirsan Dowladda oo loo heesto Musuq-maasuq oo maxkamad looga yeeray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---