Dooyow Osman Ali oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay.
Ninkan oo in muddo ah la shaqaynaayey Al shabaab ayaa kala soo goostay Qori AK-47 ah iyo booshkiisa oo u ku hubeysnaa.
Sababta uu Al shabaab ugu soo baxay ayuu ku sheegay inuu kusoo qanci waayey fikirka ay aaminsan yihiin iyo dhibaato fara badan oo uu kala soo kulmay kooxda.
Dooyow ayaa saaxibadiisa Al shabaab kala tirsanaa ugu baaqay inay isaga soo tagaan nolosha mugdiga ah ay duurka kula jiraan, wuxuuna sheegay in si wanaagsan loo soo dhoweeyey.