Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo isku shaandheyn ku sameeyay wasiirro katirsan Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wareegto uu soo saaray waxa Mudane Dahir Shire Maxamed, loogu magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa isku beddalay Wasiirradii Wasaaradaha, Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka, halka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobbe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Sidoo kale, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu wareegtadiisa ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Mudane Cismaan Axmed Macoow.

Related posts

Dagaal culus oo weli ka socda bartamaha degmada Balcad iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Dil Argagax leh oo goordhaw ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay isimada Gobolka Bari (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---