Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay shir arrimo muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay shirka degmooyinka gobolka Banaadir oo looga hadlay qorshaha dar-dargelinta bilicda caasimadda, wax ka qabashada biyo qabadyada iyo biyo mareenada, amniga iyo u diyaar garowga doorasho qof iyo cod oo ka dhacda gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa shirka kusoo bandhigay qorshayaasha hortabinta u leh oo ay ugu horeeyaan magaalo nabdoon, nadiif ah, cagaaran, bulshada caasimadda oo hesha adeegyada aas-aasiga ah iyo in talada dib loogu celiyo bulshada si ay usoo doortaan hogaankooda.

Waxa uu sidoo kale ku dheeraaday ka go’naashiyahiisa ku aadan hirgelinta qorshayaashaasi uu ka leeyahay caasimadda, asigoona kula dar-daarmay maamulada degmooyinka gobolka Banaadir in si wadajir ah loogu wada-shaqeeyo horumarinta caasimadda, in bulshada si hufan oo daacadnimo ah loogu adeego loona dhimriyo dadka baahiyaha gaarka qaba iyo barakacayaasha ku nool Muqdisho.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye kuxigeenada maamulka gobolka Banaadir ayaa inta uu socday lagu soo bandhigay qorshaha u diyaar garowga miisaaniyad sanadeedka 2025, qaab-dhismeedka maamulada degmooyinka, qorshe howleedka sanadka 2025 iyo xoojinta horumarada dhinaca Amniga ee ka jira Caasimadda Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Amniga oo si weyn loogu soo dhaweeyay Caabudwaaq (Sawirro)

Cabdi Cade

Maraykanka oo kaalmadii ka jartay mid ka mid ah dowladihii xulufada dhow la ahaa

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo isaga oo xiran Darees Milatari booqday deegaanno laga saaray Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---