Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo dallacsiiyay sargaal lacag lagu siiyay in uu afgambiyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dallacsiiyay Dhame Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) , oo ah taliyaha  booliiska aaga Waqooyi ee magaalaada Kismaayo , kaa oo la sheegay in uu diiday qorshe dowladda Soomaaliya ku dooneysay in uu la shaqeeyo kana horyimaado Axmed Madoobe, sidoo kale ku kala fur furo ciidanka Jubbaland.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegtay in Gaashanle Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) uu Madaxweyne Xasan Sheekh usoo diray Maxamuud lacag gaaraysa 90,000 kun oo dollar ,si uu u hogaamiyo afgambi la doonayay in lagu dumiyo maamulka Jubaland, iyadoo howshaas Xasan Sheekh Maxamuud uu u soo wakiishay Maxamuud Fanax oo ahaa gudoomiyahii hore ee degmada Badhaadhe oo hogaaminayay ciidankii dowladda kasoo dejisay deegaanka Raaskanbooni.

Madaxweynaha Jubbaland ,ayaa bogaadiyay sarakiisha iyo shacabka reer Jubaland oo iska diiday damaca guracan ee la doonayay in xasarado lagaga abuuro deegaankooda.


Related posts

Maxaa ka jira in la dayacay amniga marxuum Xildhibaan Cismaan Clmi Boqore?

Caydiid Ali

Xukun adag oo lagu riday Nin mooto Bajaaj ku waday Qorayga RBG iyo hub kale

Cabdi Cade

Wasiirka Difaaca oo ka hadlay Diyaarad ciidanka leeyihiin in Al Shabaab qabsadeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---