Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo shaaciyay in ay ogyihiin dad xiriir la leh Argagaxisada oo…

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabayaan dagaal ka dhan ah kooxaha argagaxisada ah ee ku sugan deegaanno katirsan Puntland, gaar ahaan kuwa ku sugan buuraha gobolka Bari.

Siciid Deni, ayaa sheegay in ciidamada Puntland ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay ay kusoo afjarayaan kooxaha argagaxisada ah, waxa uuna ugu baaqay in maleyshiyaadka argagaxisada katirsan iyo kuwa ajaaniibta ahba ay tahay in ay isi soo dhiibaan, kahor dagaalka si loo cafiyo.

“Waxaan rabaa in aan halkan baaq uga diro cid kasta oo ururrada xagjirka ah ku jirtay oo diyaar u ah in ay ka tanaasusho fikirkooda, waxaan u fidin doonaa cafis. Laakiin ciddii ku madax-adaygta waxaan faraya ciidamada Puntland in ay waajibkooda ka gutaan. Ciddii diyaar u ah in ay bulshadooda soo dhex gashana, waxay dowladdu dejisay siyaasad lagu maamulayo dadka raba in ay danbiyadaasi ka soo noqdaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisi ogyahay dadka gacan-saarka la leh kooxaha  argagixisada ee ku sugan magaalooyinka katirsan Puntland,  waxa uuna caddeeyay in kooxahaasi tallaabo laga qaado doono waqti ku habboon.

“Waxaan kale oo u sheegaya dadka magaalooyinka jooga ee gacan-saarka la leh kooxaha Xagjirka ah oo la shaqeeya kana shaqaysta, dowladdu waa idin ogtahay ee tallaabada xilliga ku habboon baa la qaadaa, inta goori-goor tahay dadkiina ku soo biira” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni , ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugan deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Bari, waxa uuna halkaasi ka wadaa shirar iyo abaabul dagaal ka dhan ah kooxaha Dacaish iyo Al Shabaab ee ku sugan buuraha gobolka Bari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Hanjabaad loo diray Odayaal u doodayay Dhalinyaro Puntland Xukun dil ah ku riday

Cabdi Cade

Dowlada Itoobiya oo war ka soo saartay sababta loo xiray Jawar Mohamed

Caydiid Ali

Daawo: DF oo soo saartay War ka nixiyey Kenya & Wasiir Beyle oo wajahaya dacwad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---