Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa maanta laga maqlay inay Puntland isku diyaarinayso sidii ay u sameysan lahayd lacag u gaara, isagoo ku sugan bankiga dawladda ee magaalada Boosaaso, wuxuu goobta ku bixiyay go’aan ah in la billaabo daraasad la xiriirta sidii ay Puntland usoo saari lahayd lacag u gaar ah. Hadalka waxaa ku jirtay ugu yaraan saddex xaaladood oo uu ku soo bandhigayo Deni, inay ku riixayso soo saarista lacag, sida inay muddo sugayeen soo saarista shillinka Soomaaliga oo mideysan , tan oo uu ku sheegay inaysan soo muuqan, midda xigta ee uu ku horreeyay waa in dalal dunidda ay leeyihiin lacago kala duwan, si uu u muujiyo go’aanka ay Puntland ku raadinayso soo saarista lacag inuu waafaqsan yahay sharciga caalamiga ah.
Marka laga hadlayo inay dalal leeyihiin lacago kala duwan, sida kuwa faderaalka ama nidaamka boqortooyadda leh, waa diiwaan la heli karo, waxaana laga yaaba inay Puntland tixraacayso Hong Kong oo qayb ka ah dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ee Shiinaha inay leedahay lacag u gaar ah,sidoo kale Shiinaha waxaa jira ugu yaraan is maamul kale oo ka tirsan oo adeegsada lacag u gaar ah, sababtoo ah waddamada qaar waxay oggolaadaan in gobolladu ay soo saaraan lacagahooda, taas oo keenta nidaam lacageed oo ku salaysan gobolka. Tani waxay caadi ahaan ka dhacdaa waddamada gobolladoodu leeyihiin madax-bannaani ama ay dalka ka jirto kala duwanaasho dhaqaalaha maxalliga ah. Midda ay tahay inan ku xasuusiyo gobollada madax bannaan ee leh lacagaha gaarka ah sida Hong Kong, waxay ku biireen Shiinaha iyagoo sita lacag u gaar ah, kaddib ka bixitaanka Ingiriiska, inta badana waddamada kala duwanaasha lacagaha ay ku jiraan waa wax salka ku haya madax bannaani hore, sida haddii ay Puntland go’aanka maanta uu ku aadi lahaa waqtigii uu meesha ka maqnaa si dhammeystiran bankiga dhexe ee federaalka, oo ku beegan waqtigii Puntland la dhisay!
Waxaa jirta tusaalooyin kale oo aad fahmi kartid;
• Marka la tixraaco hadalka madaxweynaha Puntland, wuxuu ku dhowyahay waxa uu horey usoo maray Jarmalka oo ka hor inta aan la soo saarin lacagta Deutsche Mark, Jarmalka wuxuu lahaa lacag gobolleedyo kala duwan.
• Dalka lixaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ee Hindiya, ayaa sidoo kale gobollada waxay adeegsadaan lacago maxalli ah , kuwaas oo aan ahayn lacago qaran oo rasmi ah.
• Dalka koonfurta Afrika ku yaalla Zimbabwe, ayaa qaatay go’aan looga jawaabayo xaalad dhaqaale iyo sicir-barar sarreeya, markaa oo la ansixiyay in la adeegsan karo lacago kala duwan oo ay ku jiraan doollarka Mareykanka iyo lacagta Rand-ka ee dalka Koonfur Afrika.
Xaqiiqada Puntland;
Puntland, waxay ku jirta goobaha uu ka jiro sicir-bararka sarreeya, marka loo eego gobollada kale ee dalka, si dhammeystirana lacagta la adeegsado waa midda danabaysan ee telefoonnada lugu qaato, taa oo soo bandhigaysa nuglaashaha xaalad dhaqaale oo deg deg ah oo waqti kasta la wajihi karo.
Tusaale;
Waxaa ka dhacday Puntland in marar kale duwan , markii u dambeysay waxay ahayd in saacado uu istaagay nidaamkii lacag dirista telefoonnada 28 bishii Oktoobar ee sannadkan,2024, markaa oo daqiiqado gudaheed la wajahay xaalad khal-khal dhaqaale oo bannaanka soo dhigtay sida ay mar kasta xaaladan oo kale oo waqti dheer ah loo wajahi karo iyo in maqnaashaha shillinka uu yahay ‘masiibo’, illaa la arkay in warbaahinta laga sii daayay hadalka dadweyne badan oo dhaleeceynaya go’aankii hore oo lagu joojiyay shillinkii Soomaaliga ee laga adeegsan jiray gudaha Puntland oo ay ka buuxday lacago loo daabacay hab-aan sharci ahayn , kana duwan shillinka laga adeegsado koonfurta dalka ee ay soo saartay dawladdii dhexe oo ahayd lacagtii u dambeysay ee sharci ah oo dalku soo-saaray, dabcan hadalka laga maqlay maanta madaxweyne Deni ee la xiriira inay sameynayaan lacag gaara, wuxuu ku socda hadalladii ay soo gudbisay warbaahinta ee lagu ‘habaaray’ go’aankii isla madaxweynaha uu ku joojiyay adeegsiga shillinka, marka nuxurka wuxuu noqon karaa in xaaladdan si dhaqsa ah loogu qaatay mid khatar ku ah nolasha bulshada, tan oo ah fikrada ugu saxan! mise waa hadal siyaasadeed oo lagu daminayo cododka dhaleeceynta ee maqnaashaha shillinka?
Puntland haddii ay ku sii socoto soo saarista lacagta, iyadoo laga fogaanayo fashilka, markaa waxaa laga yaabaa in lagu gaaro hab hoos loogu dhigayo sicir-bararka sarreeya iyo in la gaaro xasillooni dhaqaale oo deggan, laakin waa in ka hor la helaa daraasado soo bandhigaya inaysan jirin wax caqabad sharci ah iyo soo saarista lacagta laftirkeeda inay dhaliso xaalad sicir-barar ah oo ka darran midda la doonayay in looga gudbo, tan oo haddii aan la helin maareyn si dhaqso ah go’aanky u noqon karo mid ‘masiibo ah’.Si kastaba, maqnaashaha shillinka Soomaaliga , waa mid ka mid ah xaaladaha dhaqaale ee waqti kasta saameyn xun ku yeelan kara dhaqaalaha iyo hab nolaleedka dalka oo ku tiirsan lacagta danabaysan iyo doollarka Mareykanka, waqtigana waa mid ka mid ah xaaladaha dhaqaale burbur ee dalka uu ku jiro, sababta loo arkayo muddada dheer.
Shuruucda iyo habraacyada maamulka ee lacag sameynta;
Dastuurka kumeel-gaar ah ee Soomaaliya, wuxuu dhigaya qodobkiisa 123-aad farqadiisa 2-aad , in bankiga dhexe ee federaalka uu mas’uul ka yahay soo saarista lacagta, waxayna lacagtu ka mid tahay awoodaha dawladda federaalka, taasoo la macno in haddii uusan bankiga dhexe soo ansixin lacagta aan loo qaadan karin lacag rasmi ah, balse hadda bankiga dhexe ee Soomaaliya wuxuu adeegsadaa dollarka Mareykanka oo lagama helayo wax shillin rasmi ah oo uu dalku leeyahay, taa oo ah cududaarka uu adeegsaday madaxweynaha Puntland.
Inkastoo ay macquul tahay in waddan uu lahaado lacago kala duwan oo gobolladu isticmaalaan, haddana waxaa ay taasi dhalin kartaa caqabado badan. Waxaana loo baahan yahay maamul wanaagsan si loo hubiyo xasilloonida dhaqaale.
Maxaa loogu qaatay hadalka gogol-xaarka gooni-goosad?
Gooni-goosadka si fudud, waa mid aan ka suragelayn Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, balse ku dhawaaqista madaxweyne Deni, ee ah inay lacag samaysanayso, waxaa jirtay falcelin laga bixiyay oo la xiriirta inay gogol-xaar u tahay iskudayga ay Puntland ku raadinayso inay ku dhawaaqdo gooni-goosad, iyadoo la raacayo raadka Somaliland, laakin miyay badan tahay surtagalnimadaa?
Dabcan, hadalka Deni waxaa ka muuqatay inuu sii qiyaasay in laga bixin karo falcelin la xiriirta ‘Puntland inay doonayso gooni-goosad’, wuxuuna hadalkiisa ku jirtay; ‘iyadoo la raacayo nidaamyada adduunka , dalal badan oo federaal ah oo waxaa jira labo lacagood leh , macnaheedu ma aha inan Soomaali-nimada ka baxnay.’
Fikrada ah gooni-goosad iyo madax bannaani, hadda waxay ka sarreysa gudaha bulshada Soomaaliyeed waqti kasta oo hore, waa wax u dhigma inaysan dadku u qaadan doonin wax la yaableh in gobol madax bannaani ka helo dalka intiisa kale, ama gobol uu ku dhawaaqo gooni-goosad..! Waxa u baahan si deg deg ah inay dawladda Federaalka u wajahdo ayaa ah in la qaado tallaabooyin ku qancin kara dadka inay ka lunto fikrada inay suragal tahay gobol inuu ka goosto dalka intiisa kale, si la mid ah doonista muddada dheer ee Somaliland! Laakin sidee tan ugu surageli karta inay dawladda federaalka ka dhaqso maskaxda muwaadiniinta? Waa inay dawladda dhista kalsoonida bulsho ee dadka Soomaaliya, oo burburka kalsooni darrada ay tahay waxa ka dambeeya in qofka Soomaali ah ay si dhaqso ah waxyaabaha ka imaanaya dawlad-gobolleedyada ugu qaadanayaan inay ku xigto ku dhawaaqis gooni-goosad! Mid ka mid ah waxyaabaha hoos u dhigay kalsoonida gobollada ee dawladda federaalka waa inaysan gudaha deegaannadoodu dadku ku arag dawladda federaalka iyo waxtarka ay u leedahay, sababtoo ah ma jirto adeegyo ka socda dawladda federaalka oo wada gaara dalka , oo gobollada qaar xataa waxaa lumay astaamihii dawladda federaalka, marka kaliya ee gobollada laga arkayo adeegga dawladda federaalka waa marka muwaadiniinta ay doonayaan baasaboorka,waxayna tan u suragelisay inay si dhaqso ah hoggaamiyayaasha dawlad-gobolleedyada u hagaan dareenka bulshada ee ka dhanka ah dawladda Federaalka.
Maqnaashaha kalsoonida ee gobollada ayaa sidoo kale ah xaalad mar kasta khatar ku ah midnimada dalka, tobankii sanno ee u dambeysana dalku wuxuu wajahayay khilaafaad dib u dhac iyo xasillooni darro wada gaaray dalka oo dhan, taa oo ka dhalanaysay khilaafka u dhaxeeya dawladda federaalka iyo dawlad-gobolleedyada oo inta badan salka ku haya arrimo shaqsi ah oo ay isku diiddanyihiin dawladda federaalka iyo dawlad-gobolleedyada,xaaladaana waxay bulshada ka dhigtay kuwa u nugul in si dhaqso ah loogu jiheeyo danaha gaarka ah inay tahay waxa danta guud ee la diiddanyahay!
Mid ka mid ah fursadaha waqti dhow loo helay si loo dhiso kalsoonida u dhaxeysa dawladda federaalka iyo bulshada gobollada, fikradayda waxay ahayd wixii ka dhacay Laascaanood, markii dagaal ku dhawaaday sannad uu ku dhammaaday iyadoo uu maqanyahay doorkii dawladda federaalka oo mas’uuliyadaha ay u dhisantahay ay qayb ka tahay ilaalinta xasilloonida ,waxayna heli kartay dawladda federaalka sharciyad ay ku gayso goobta dagaalka ciidan lagu geeyo hab lagu wada qanacsanyahay oo abuuri kara jawi lagu joojin karay dhiiga iyo dambiyada dagaal ee dhacay muddadii uu socday dagaalka – joogitaanka ciidan xoogga ee waqooyiga dalka waxay awood siin lahayd isla dawladda federaalka.
Laakin maxaa ka suragal ah Puntland?
Hoggaaminta Puntland ee Siciid Deni , ayaa suragal ka dhigaysa in laga arki karo Puntland doonista inay u dhaqanto hab leh ‘la macaamiil gaar ah’ oo loola jeedo inay Puntland la macaamiil gaar ah ku hesho wax kasta oo uga xiran dawladda Federaalka, tan oo mar horaba ay Puntland shaacisay, waana wax laga arkayo inay ku sii soconayso ,waxaana ku filan inan aragnay in la ballaariyay doonista, kaddib ku dhawaaqista lacagta ee maanta soo baxday. Mar kale tusaalaha sida ay doonayso inay Puntland isku akaysiiso waa wax u dhigma habka maamul ee Hong Kong oo leh nidaam madax-bannaani ah. Tallaabooyinkan sidoo kale waxay waxtar u leeyihiin siyaasadda madaxweynaha taariikhda ku sameeyay inuu labo mar oo isku xigta xukunka hayo, marka la joogo Soomaaliya waxa ay doonayaan dawlad-gobolleedyada waa inay beesha caalamka ka helaan la macaamiil gaar ah, si ka duwan in Hong Kong ay ku heshay la macaamiilka gaarka ah, awoodeeda dhaqaale iyo wax soosaar oo gaarsiiyay isku filnaashaha maamul,iyaga oo aan ka tagin Beijing.
Tallaabooyinka kale ee Puntland ay ku doonayso inay ku hesho maqaam gaar ah, ee hadda uu u dhaqaaqay madaxweyne Deni, waa la dagaallanka kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuralayda ah ee gobolka bariga, joogitaankiisa Boosaaso ayaanna lagu sheegay mid bilow u ah qorshahaa oo abaabulkiisa uu socday illaa maanta uu ku dhawaaqay cafiskii u dambeeyay ee loo fidanayo kooxaha ku jira buuraha ee wax u dhimay xasilloonida gobolka dhaqaalaha ee bari, haddii ay Puntland u hesho sharraxaad, sababta dagaalkan ay u qaadayso, heerka ay gaarsiisan tahay khatarta kooxda Daacish iyo qorsheynta dagaalka oo lagu dhex muujin karo natiijada lagu gaarayo dagaalka ay Puntland billaabayso, markaa waxaa ay ku dhawaqeynaysa inay hesho xiriirka caalami ah , isla waqtiga dagaalka lagu jirana waxay Puntland uga faa’iideysan karta hab ay ku helayso taageerro caalami ah oo ku xiran muuqaalka laga dhex arki karo qorsheynta dagaalka iyo waxa xiga. Haddii ay Puntland ku guuleysatana inay meesha ka saarto joogitaanka Daacish ee buuraha bari, waxay siinaysa maqaam sare, sidoo kale waah ab looga faa’iideysanayo danaha guud ee amniga iyo midda siyaasadeed ee madaxweynaha xilka haya oo u uku dheeraysan karo mustaqbalkiisa siyaasadda.
Hadda, waxaan soo dhammeeyay warbixinta, waxaan kaga tagaya fikradaada..
W/Q Iman Jamac