Allbanaadir.com
NEWS

Macron iyo wafdigiisa oo ka degay Addis Ababa (Sawirro)

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa galabta booqasho ku tagay magaalada Addis ababa ee dalkka Itoobiya

Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku soo dhoweeyey garoonka dayuuradaha magaalada Addis ababa, iyadoo labada dhinac ay yeelan doonaan wadahadalo ku saabsan iskaashiga iyo arrimaha geeska Afrika.

Macron ayaa Itoobiya u tagay inuu fuliyo balanqaad uu u sameeyey hadda ka hor oo ah inuu u dhisi doono ciidan badda xili aysan bad laheyn Itoobiya.

“Walaalkay marna Saaxiibka dhabta ah ee Itoobiya Emanuel Makron Madaxwaynaha Jamhuuriyada Faransiiska, waxaan ku faraxsanahay in markii labaad aad booqasho ku timaado Itoobiya mudada lixdii sano ee la soodhaafay, labada dal ayaa hada wado dadaalo ay ku sii xiijinayaan xiriirkooda Iskaashi, mudane madaxwayne Mudada aad Booqashada kujoogto Dalkayaga Itoobiya waxaan rajaynayaa in aanu yeelano kulamo mira dhal ah oon kaga wadahadlayno  sii xoojinta xidhiidhka iskaashiga dhanacyada badan ee labada Dal” ayuu yiri Abiy Ahmed oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Addis ababa ka hor soo maray caasimadda jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti oo uu kulan kula qaatay dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

Macron iyo wafdigiisa ayaa madaxda Jabuuti kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan iyo labada shacab sida lagu qoray barta Facebook ee Madaxweyne Geelle.

Faransiiska ayaa taageero ka raadinaya wadamada geeska afrika kadib markii uu xumaaday xiriirka uu lalahaa dallalkii uu horey u gumeysan jiray ee ku yaala galbeedka qaarada afrika.

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Xildhibaan Xasan Faarax Salaad oo Muqdisho ku geeriyooday iyo Madaxweyne ka tacsiyadeeyay

Cabdi Cade

Isbadal nuucee ah ayuu u baahan yahay Xiligan Maamulka Jubbaland ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---