Allbanaadir.com
NEWS

Gantaal khasaare geystay oo ku dhacay bartamaha Tel aviv

Xuutiyiintadalka Yemen ayaa maanta waxay la bartilmaansadeen aag ku yaal Tel Aviv gantaal ballistic ah oo ah nooca “Falastiin 2”

Afhayeenka milateriga kooxda Yahya Sarec ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka ku sheegay in guutada gantaallada ee kooxda ay ku guulaysteen inay beegsadeen xarun ay leeyihiin ciidamada Israa’iil, taasoo ah isku day kale oo ay ku doonayeen inay ku qaadaan weerar ka dhan ah Israa’iil.

Sarec waxa uu intaa ku daray, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters, in gantaalku “si sax ah uu ugu dhacay bartilmaameedkiisa, difaaca Israelna ay ku guul-darreysteen inay ka hortagaan.

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay laba maalmood ka dib markii Israa’iil ay duqaymo ka geysatay dekedaha Xuutiyiinta iyo kaabayaasha tamarta ee Yemen, oo in ka badan 1,500 kilomitir koonfurta ka xigta Israa’iil, waxaana ku dhintay sagaal qof, sida ay sheegeen Xuutiyiinta.

Dhankooda, ciidamada Israel ayaa ku dhawaaqay inay ku guuldareysteen inay ka hortagaan gantaal ka yimid Yemen subaxnimadii Sabtida kaasoo ku dhacay aagga Tel Aviv-Jaffa.

Waaxda adeegga ambalaasta ayaa sheegtay in 16 qof ay dhaawacyo fudud soo gaareen, islamarkana uu jiro burbur hantiyeed.

Weerarkan Xuutiyiinta ay ku qaadeen bartilmaameedka militariga ayaa ah kii labaad oo noociisa ah maalmo gudahood, inkastoo maalmo ka hor uu digniin u diray Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo u sheegay Xuutiyiinta in ciddii weerarta Israa’iil ay ku bixin doonto qiimo culus.

Related posts

Tirada dadka u dhintay Coronavirus oo ii kordhay iyo Dhaqaalaha Shiinaha oo meel xun gaaray

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo gaaray Addis ababa & faahfaahin ku saabsan ujeedada safarkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoonada Baarlamanka ee Galmudug iyo Hirshabelle oo ka hor yimid Shirkii Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---