Allbanaadir.com
NEWS

Dayuurado isku qarxiyey dhismayaal ku yaalla Ruushka

Ukraine ayaa maanta mowjado weerarro ah ku qaaday gudaha dhulka Ruushka , iyadoo saddex weerar oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu bartilmaameedsaday magaalada muhiimka ah ee Kazan

Waxay in ka badan kun kilomitir u jirtaa xadduuda dhulka Ukraine , tan ah oo tallaabo muujinaysa sida uu si qoto-dheer u dagaalku u galayo dhulka Ruushka.

Weerarrada waxay dhaliyeen in dhismayaal la degganyahay ay ku dhacaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca Ruushka

Wasaarada ayaa meesha ka saartay in wax khasaare ah ay dhaliyeen weerarradan oo sidoo kale qasbay in muddo kooban la hakiyo howlaha shaqo ee garoonka diyaaradaha Kazan.

Kazan, waxay u tahay Ruushka magaalo muhiim ah oo martigelisa shirarka caalami ah, oo uu ka mid yahay shirkii dhawaa ee Ruushka iyo Afrika.

Related posts

Masuuliyiintii Waan waanta ka dhax waday Farmaajo & Rooble oo loogu baaqay in Runta sheegaan

Cabdi Cade

Max’ed Xaashi Carabey oo aqbalay codsi uga yimid Madaxda dowlada Soomaaliya (Akhriso)

Caydiid Ali

Dhul gariir dad badan ku dhinteen oo ku dhuftay Jaziirada Lombok (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---