Allbanaadir.com
NEWS

Saciid Ciise: “Xasan Sheekh & Axmed Madoobe waxay ku socdaan marin dhamaadkiisa la’og yahay”

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud iyo hogaamiyihii hore ee maamul goboleedka Juba, Dagaalooge Axmed Maxamed Islan, ayaa waxey labaduba ku socdaan mariin dhamaadkiisu si dhow u soo xirmayo, waxeyna labadooduba dheelayaan shax-cayaareed dhamaadkeeda la wada ogsoon yahay waxa ay ku dambeyneyso, balse aysan iyaga saadaasha ugu jirin iney la rogmaneyso siyaasadahooda ku saleysan damaca rag is haya iska celintooda.

Dagaalooge Axmed Madoobe wuxuu Kismaayo 12 sanadood ku abaabulanayey jabhad uu u qorsheystay inuu weligiis xoogg ugu haysto xukunka maamulka Juba, wuxuuna meel iska dhigay xilkii hogaaminta suuban oo uu ugu adeegi lahaa wanaajinta lagu horumarinayo maamulka Juba oo uu mudada dheer ku haystey xoogg ku dhisan qaab qabiileysan, wuxuuna si aan gambasho lahayn uu u kashifay wejigiisa dhabta ah oo uu hadda la soo baxay, weji bedeleshadiisa oo ay ka dambeeysey kadib markii diidmado xooggan ay kala horyimaadeen dadweynaha iyo dowladda damaciisa ku aadan inuu mar saddexaad isugu doortay hogaaminta maamulka Juba.

Dagaalooge Axmed Madoobe oo horay uga tirsanaa xagjiriinta diimeed ee dagaalka hubeysan kula jira dowladda Soomaaliya ayaa si lama filaana u bedeshey muqaalka wejigiisa, wuxuuna iska tuuray maaskaradii maqaarsaarka ahayd oo wejiga u saarneyd, taas oo ahayd muuqaalka  sawirayey xilka hogaamiyaha dowlad goboleedka Juba oo ay dadku soo doortaan, wuxuuna soo xirtay cimaamadii dhaqdhaqaaqa Jabhadda Raaskambooni oo asal ahaan uu uga tirsanaa kooxda xagjiriinta diimeed oo uu horay uga midka ahaa madaxdooda, wuxuuna sidaas ugu xuubsiibtey inuu dib ugu noqday amiirnimada asalkiisii hore, oo uu weliba taas ku sii darsaday hal darajo oo ah inuu yahay qabqable ah dagaalooge beeleed oo xoogg kelitalisnimo ah ku xukumaya maamulka dowlad goboleedka Juba.

Qaladka ugu weyn oo uu galay dagaaloogahaas oo khaatumadiisa xumeysay ayaa waxey ahayd kadib markii uu dagaal hubeysan oo argagaxisonimo uu ku qaaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan sugida amniga xuduudaha dalka, kuwaas oo ku sugnaa saldhigooda ku yaaley Raaskambooni, waxeyna tilaabadaas ay daaha ka qaaday habdhaqankiisa xagjirnimo oo uu kala midka yahay xagjiriinta dagaalka hubeysan kula jirta dowladda Soomaaliya, kuwaas oo bartilmaameydsada rayidka aan waxba galabsan iyo ciidanka u taagan xasilinta iyo difaaca dowladnimada ummadda Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxey soo martay xili ay dalka xukumayeen dagaaloogeyaal arxandarran oo u abaabulan qaab beeleedyo, kuwaas oo aad u xoogg badnaa, habdhaqankooduna uu ku dhisnaa hogaaminta malashiyaadka beelahooda oo ay deegaanadooda ugu haysteen awooda ay ku xukumayeen, taas oo salka ku haysey qaab u abaabulan fikrado qabyaaladeed, waxeyna fikiradahaas ku dhisan qabyaalada ay uga faa’iideysteen ku adeegsiga xooggaga maleeshiyaadka beelahooda oo adeecsanaa rabitaanka awooda qabiilkooda, kuwaas oo weliba si xamaasad sare leh ugu jidbeysnaayeen meelmarinta falsafadahaas qabyaalada ku dhisnaa.

Dagaaloogeyaashaas waxey ahayeen kuwo ka madaxbanaanaa fikirka ka turjumayey xagjirnimada diinta oo lagula dagaalamayo Soomaaliya si aysan u yeelan dowlad xasiloon, waxeyna ugu dambeystii dagaaloogeyaashaas ay dhamaantood ku wada dambeeyeen guuldarro ku wada dhacday oo sumcadoodii ku reebtay gablannimo siyaasadeed. Sidaas oo kale ayuu dagaalooge Axmed Madoobe uu isaguna uu markiisa u qaadi doonaa mariinkii ay mareen kuwii ka horeeyey, oo xoogga qabyaaladeysan qeybta uga ahaa dagaaladii sokeeye ee naafeeyey ummadda iyo dowladnimada Soomaaliya, kadib burburkii ku dhacay dowladdii kelitaliska ahayd oo xukunka mileteriga ku dhisneyd, waxaana soo muuqata inuu dagaalooge Axmed Madoobe uu qaaday wado gadaal dambe ka xiran oo dhamaadkeedu uu soo dhow yahay.

Madaxweyne Xasan ayaa dadaal dheer ku bixiyey sidii uu uga gaashaaman lahaa damaca halista badan oo ay ku riyoonayaan madaxda dowladda Itobiya, wuxuuna Soomaaliya u sameeyey dadaal mirodhala oo uu jiritaanka qaranimada Soomaaliya ku difaacayo, wuxuuna dadaaladaas uu ku soo xerogeliyey kasbashada xulafeysi uu la sameystay isbaheysiyo difaac oo uu garabistaag difaac uga helayo marka ay Itobiya si qaawan ugu soo duusho dalka Soomaaliya.

Madaxda Itobiya oo fikir ahaan ku tiirsan Yuhuud, Carab, iyo shisheeye kale ayaa iyaduna damacsan iney Soomaaliya difaac ahaan soo istaajiso meel cidlo ah oo aysan cidna gargaar difaac aysan uga heli karin, waxeyna siyaasadaheeda dhagarta badan ku dhisan tahay ay ku saleyneysaa iney qaado hal tilaabo oo Soomaaliya ay ugu muujineyso weji wanaagsan si ay hagardaamadeeda uga dhex shaqeysato, kadibna ay dib u qaado laba tilaabo oo lagu waxyeeleynayo jiritaanka amniga iyo midnimada Soomaaliya si ay u gaarto damaceeda ku dhisan boobka mariin-biyoodka Soomaaliyeed.

Heshiiskii dhowaan ay dowladda Soomaaliya iyo Itobiya ay ku wada saxiixdeen Ankara waa tilaabo wanaagsan oo madaxweynaha Turkiga uu ku dhexdhexaadiyey labada dal, taas oo ay Itobiya ku muujisay wejiga aan dhabta ahayn oo ay ku wanaajineyso xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, balse shaki badan uu ku gadaaman yahay sii socodkiisa, kaas oo u muuqdaa mid si ku meel gaara ugu xirin inta madaxda Turkigu iska bedeleyso.

Qorshaha ugu weyn oo ay heshiiskaas ka leedahay Itobiya ayaa ah iney burburiso isbaheysiga Soomaaliya kala dhexeeya Eritereya iyo Masar, oo ay u aragto cadow halis ku ah jiritaankeeda iyo maslaxadeeda ay xoogga wax uga dooneyso Soomaaliya, taas oo ah iney xeelad sharciyeed oo qasaba ay uga hesho Soomaaliya mariin biyood ay iska leedahay maamulideeda oo maalgelinteeda ay shirkowadaag kula noqoto Yuhuud, Carab, iyo xooggag kaloo qarsoon.

Madaxweyne Xasan sheikh haddii uu ku dhaco dabinka ay Itobiya u maleegeyso oo ah inuu ka noqdo ama ka cagojiido meelmarinta heshiisyadii isbaheysiga difaaca ee uu la galay Eriteriya iyo Masar, ayaa isagana waxaa sugeysa iney wadamadaasi ka aamin baxaan oo dabadeed marka ay hubsato Itobiya burburka isbaheysigaas iney dib ugu soo rogaalceliso xiriir xumadii kala dhexeysey Soomaaliya, iyadoo ogsoon markaan ineysan jirin doonin cid si dhaba Soomaaliya difaaceeda ugu soo gurmaneysa, sidaasna ay ku garab weyneyso taageero difaac oo ay hesho.

Waxaan shaki lahayn haddii Madaxweyne Xasan uu rumeysto in Itobiya ay daacad ka tahay wejiga wanaagsan oo ay hadda u muujineyso Soomaaliya iyo danaha Turkiga oo sida ku meel gaarka ah ugu xiran joogitaanka xilka Madaxweyne Ordagon, inuu qaadayo wado mariinkeeda la sii og yahay waxa ay ku dambeyneyn doonto oo ah in dhagarta Itobiya ay sharci ahaan guuleysato xeeladeedu, meesha uu Madaxweyne Xasan uu ku dambeynayo guuldaro siyaasadeed iyo Soomaaliya oo si rasmiya ugu dhacda gacanta Itobiya.

Madaxweyne Xasan iyo dagaalooge Axmed Madoobe waxey labaduba ka wada siman yihiin ineysan si wanaagsan uga baaran degin tilaabo u qaadida mariin ay siyaasadahoodu ugu hoobanayaan guuldaro aan ka soo kabasho lahayn, waxaana marag ma doonto ah qiyaanada qaran ee uu hadda ku kacay Dagaalooge Axmed Madoobe, iyo mida la midka ah ee uu ku sii socdo Madaxweyne Xasan.

Madaxweyne Xasan iyo Dagaalooge Axmed Madoobe waxey tilaabooyinka ay qaadayaan ku cabirayaan sida uu midba midka kale ugala ficiltamayo isqoonsiga ay isku hayaan, taas oo qiyaas ahaan kala gudubtey xeyndaabkii lagu dhowrayey sareynta haykalka dowladnimada Soomaaliyeed, waxeyna u muqdaan kuwo ismaandhaafkoodu uu noqday mid u xuubsiibtey dagaal shaqsiyadeed oo salka la sii gelaya caqiido qabiil oo dhalanteeda, waxeyna labadooduba isku adeegsanayaan awoodo ka baxsan  maamulka dowladnimada Soomaaliya oo biyo shubkeedu ku soo dhamaanayo in ama ay wada joogaan ama ay wada baxaan.

Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaraadiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Gabdho loo balan qaaday Masuuliyiinta ka qeyb gashay Caleemo Saarka Axmed Madoobe

Cabdi Cade

(Akhriso) War-Murtiyeed 8 qodob ka kooban oo ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo qadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Liibiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---